Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Radio Ergo by Radio Ergo
January 16, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Ayax uga daray dhibaatadii fatahaada webiga kasoo gaartey beeraleyda gobolka Hiiraan.

Ayax waxyeeleeyey beeraha hore fatahaaduhu u burburiyeen ee gobolka Hiiraan /Abdirisak Ahmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeraleyda ku dhaqan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo dhowaan ay waxyeelo gaarsiiyeen faratahaadii uu sameeyey webiga Shabelle ayaa hadda waxaa dhibaato ku haya ayax cunaya wixii ay beerteen fatahaadii webiga kadib.  Kadiye Cabdi Gadood waa beeraleey ku nool deegaanka Xodug-wale oo 34KM u jira Beladweyne kana xigta dhinaca waqooyi, beertiisa oo ahayd 45  hector oo cabirka beeraha ah ay ku beeraayeen dalagyada cagaaran ayaa bishan 1-deedii waxaa ku degey Ayax guuraya oo baabi’iyey dhamaan dalagyadii ku beeraan beertiisa.

“Basal, qare, yaanyo iyo Salad ayaa ii beernaa, waa dhameeyey waa hadda kadib iyo tacab iyo qarash kale raadi, waa ka tegey beertii oo dhan, waxna kama sugayo, khudarta kharash badan iyo xoog badan ayaa iga galay.” ayuu yiri Kadliye.

Kadliye  waa aabaha 11 carruur ah, shaqo aanan aheeyn beertiisa malaha, waxaa uu tilmaamay in yaanyada ku beerneeyd beertiis ay joogtay xiliga suuqa loo qaadi lahaa iyadoo uu geliyey kharash dhan Kun iyo shan boqol oo dollar ( $1500 ) oo kala bar lacagtaas lagu leeyahay. fatahaadii webiga Shabelle ayaa horaantii bishii October ee sanadkii hore ka burburisey dalagyadii u abuurnaa waxaana uu markale dib u tabcay beerta bishii November oo fatahaadii webigu joogsatey, xiligan oo uu filayey inuu goosto dalagyadii uu sida degdega ah ku beertay fatahaadii kadib wuxuu qoyskiisa ku biilaa raashin dayn ah oo uu magaalada kasoo qaatay.

Sida laga soo xigtay Ururka Hay’ada Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay oo magaceeda loosoo gaabiyo FAO, Ayaxu wuxuu hore u burburiyey tobanaan kun hektar oo dhul beereed ah oo ku yaal Geeska Afrika. Waxaa loo arkaa inay tahay duullaankii ugu xumaa ee ayaxu qarniga soo qaado.

Gobolka Hiiraan horay loogama aqoon Ayax, beeraleydana wuxuu ku noqday lama filaan, Wasiir ku xigeenka wasaarada Beeraha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Daqarre ayaa Radio Ergo u sheegay in wasaaradda beeraha aysan awoodin wax ka qabashada dhibaatada uu ku haayo Ayaxu dadka beeraleyda ah, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in beeraleeyda ku nool deegaanada maamulka Hirshabeelle ay sanad gudihiiqasaareen laba jeer oo mar fatahaadi saamaysay marna Ayaxu ku degey.

Dadka Beeraleyda ah ayaa isu abaabulay koox koox, si ay ugu kicinayaan beertii uu ku dago Ayaxu iyagoo adeegsanaya farsamooyin ay hindiseen oo isugu jira in Qiic lagu lagu shido meesha uu degan yahay, shanqar badan la abuuro si uu u duulo waxaana mararka qaar dadku isticmaalaan rasaas nool-nool si ayaxa loo kiciyo taasoo marararka qaar ku guulaystaan in beeraha qaar laga kiciyo.

Cismaan Maxamuud Cabdi oo ah aabo leh 2 caruur  kana mid ah beeraleyda deegaanka Bacaad oo 21KM dhanka waqooyi ka xiga magaalada Beledweyne ayaa sheegay in hadda ay bilaabeen qorshe ay iskaga kicinayaan ayaxa marka uu beeraha ku dego.

”Daasado dhagaxaan lagu shubaa ayaa la ruxaa shanqar bay samaynayaan marka la luxo, qeeylo sawaxan iyo Rasaas nool nool iyo wax loo kala reebtay malaha waa iska kicinay hadda ilaa shalay maan arkin 5 iyo 4KM inoo jiro shalay xitaa waa marayey hadda iyo kadib qorsheeyn ayaan wadaa, horay ayaan dhib ku abuuray dalagaan uu cunay” ayuu yiri Cismaan.

Previous Post

Gaalkacyo: Reer guuraa gadaya xoolaha yar ee uga haray abaarta

Next Post

Gaarisa: Xanuun aan la aqoonsan oo xoolo badan u dhinteen (Dhegayso)

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Dhegeyso qiimaha xoolaha oo aan ku qaadanay qaar ka mid ah suuqyada dalka

Gaarisa: Xanuun aan la aqoonsan oo xoolo badan u dhinteen (Dhegayso)

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo