Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Roobab mahiigaan ah oo saamayn ku yeeshay Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
December 9, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab mahiigaan ah oo saamayn ku yeeshay Puntland

Boqollaal geel ah oo laga badbaadiyay dhiiqo gobolka Nugaal /Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdirashiid Siciid Xasan oo ku nool deegaan xeebeedka Garmaal oo ka tirsan Dangorayo waxaa ku cayroobay daadadka rooabab lixaad leh oo ka da’ay Puntland. Cabdirashiid 500 oo neef oo adhi ah ayaa labo habeen ka hor ay daadadku ka qaadeen. Qoyska oo ka kooban isaga, hooyada iyo 7 carruur ah ayuuse la baxsaday. Wuxuu sheegay in uu deggenaa tog dhicaniis hase yeeshee aanu filanayn in sidan ay wax noqonayaan.

“Goor anan gam’in ayaan maqlay jigta biyaha iyo qeylada adhiga, markaas biyaha laba talaabo ayey ii njireen, waxaa ila hurday 7 ciyaala iyo hooyadood, gaabdh yar ayaan la cararay, haddana lex jeclaa i gashay wiil ayaan saaray, misna gabadh ayaan saraay, sidaas ayaan dadkii ku badbaadshay, wax adhi ahna haba yaraatee ma arag,” ayuu yiri Cabdirashiid oo hadda qoyskiisa ay la nool yihiin qoysas kale oo ka agdhawaa oo iyagu daadka ka badbaaday.

Beeraleyda ayaa sidoo kale ay saameeyeen roobabku. Khadadka taleefannada oo adag weli rasmi looma ogaan tirada beeraha ku waxyeelloobay buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag oo ka mid ah meelaha ugu beeraha badan Puntland, hase yeeshee iskaashatada deegaanka Durduri oo ka tirsan degmada Laasqoray ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in iyaga 14 beerood iyo 10 ceel biyood uu waxyeelleeyay roobku.

Warsame Maxamed Yuusuf, labo beerood oo middii hal higtar ahayd, ayna ku beernaayeen khudaarta cagaaran iyo timir ayuu ku lahaa deegaanka Durduri. Warsame oo qoyskiisa ka kooban yahay 7 qof, beeraha ayay ku tiirsanaayeen waxayna hadda wajahayaan wax-la’aan.

“Aniga beerahayga wixii ku beernaa oo cagaar ahaa iyo wixii beernaaba kuma hadhin geed aan ku dhaho kaas ayaa ku hadhay,” ayuu yiri Warsame.

Dhanka kale cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa xalay fiidkii gurmad u fidiyay labo boqol oo geel ah oo ku limiday deegaanka Libaaxe oo ka tirsan degmada Garoowe oo ka mid ah meelaha uu roobka ugu badan ka da’ay Puntland.

Daadadka ka soo rogmaday roobabkan oo saacado badan da’ayay ayaa sababay dhimashada hal qof oo la socday mid ka mid ah labo doonyood oo kalluumeysi oo ku degey degmada Bareeda, 91 guri oo dumay, 250 beer oo biyaha raacay, 11 qoys oo xoolo beelay iyo jidad go’ay guud ahaan gobllada Nugaal, Bari iyo Sanaag sida uu faahfaahinayouu Ergo u sheegay, agaasimaha Maareynta Musiibooyinka ee wasaraadda arrimaha gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 7-DEC-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 10-DEC-2019

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 10-DEC-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-AUG-2026

IDAACADDA 14-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-AUG-2026
August 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo