Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Roobab mahiigaan ah oo saamayn ku yeeshay Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
December 9, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab mahiigaan ah oo saamayn ku yeeshay Puntland

Boqollaal geel ah oo laga badbaadiyay dhiiqo gobolka Nugaal /Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdirashiid Siciid Xasan oo ku nool deegaan xeebeedka Garmaal oo ka tirsan Dangorayo waxaa ku cayroobay daadadka rooabab lixaad leh oo ka da’ay Puntland. Cabdirashiid 500 oo neef oo adhi ah ayaa labo habeen ka hor ay daadadku ka qaadeen. Qoyska oo ka kooban isaga, hooyada iyo 7 carruur ah ayuuse la baxsaday. Wuxuu sheegay in uu deggenaa tog dhicaniis hase yeeshee aanu filanayn in sidan ay wax noqonayaan.

“Goor anan gam’in ayaan maqlay jigta biyaha iyo qeylada adhiga, markaas biyaha laba talaabo ayey ii njireen, waxaa ila hurday 7 ciyaala iyo hooyadood, gaabdh yar ayaan la cararay, haddana lex jeclaa i gashay wiil ayaan saaray, misna gabadh ayaan saraay, sidaas ayaan dadkii ku badbaadshay, wax adhi ahna haba yaraatee ma arag,” ayuu yiri Cabdirashiid oo hadda qoyskiisa ay la nool yihiin qoysas kale oo ka agdhawaa oo iyagu daadka ka badbaaday.

Beeraleyda ayaa sidoo kale ay saameeyeen roobabku. Khadadka taleefannada oo adag weli rasmi looma ogaan tirada beeraha ku waxyeelloobay buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag oo ka mid ah meelaha ugu beeraha badan Puntland, hase yeeshee iskaashatada deegaanka Durduri oo ka tirsan degmada Laasqoray ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in iyaga 14 beerood iyo 10 ceel biyood uu waxyeelleeyay roobku.

Warsame Maxamed Yuusuf, labo beerood oo middii hal higtar ahayd, ayna ku beernaayeen khudaarta cagaaran iyo timir ayuu ku lahaa deegaanka Durduri. Warsame oo qoyskiisa ka kooban yahay 7 qof, beeraha ayay ku tiirsanaayeen waxayna hadda wajahayaan wax-la’aan.

“Aniga beerahayga wixii ku beernaa oo cagaar ahaa iyo wixii beernaaba kuma hadhin geed aan ku dhaho kaas ayaa ku hadhay,” ayuu yiri Warsame.

Dhanka kale cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa xalay fiidkii gurmad u fidiyay labo boqol oo geel ah oo ku limiday deegaanka Libaaxe oo ka tirsan degmada Garoowe oo ka mid ah meelaha uu roobka ugu badan ka da’ay Puntland.

Daadadka ka soo rogmaday roobabkan oo saacado badan da’ayay ayaa sababay dhimashada hal qof oo la socday mid ka mid ah labo doonyood oo kalluumeysi oo ku degey degmada Bareeda, 91 guri oo dumay, 250 beer oo biyaha raacay, 11 qoys oo xoolo beelay iyo jidad go’ay guud ahaan gobllada Nugaal, Bari iyo Sanaag sida uu faahfaahinayouu Ergo u sheegay, agaasimaha Maareynta Musiibooyinka ee wasaraadda arrimaha gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 7-DEC-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 10-DEC-2019

Related Posts

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 26, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 16, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 10-DEC-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-OCT-2026

IDAACADDA 26-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-OCT-2026
October 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-OCT-2026
October 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-OCT-2026
October 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-OCT-2026
October 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-OCT-2026
October 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo