Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

admin by admin
October 24, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Kayd/Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Suuqa Dugaandug ee magaalada Baydhabo;ma ahan goob suuq loo qorsheeyey iney noqoto, waa waddo hareeraheeda oo dhinacyada kaga yaalaan xerooyin barakacyaal degan yihiin, waa suuq si iskiis ah u aas aasmey, wuxuu suuq isku badaley sidii qofba maalin miis yer wadada dhinaceeda usoo dhigayay, kadib ilaa heer wuxuu gaarey in maqaayado iyo ganacsiyo jiingado ah ka dhismaan.

Ganacsiyada halkan ka jira ee qoysaska ka mid ah kuwa barakacyaasha leeyihiin ayaa isugu jira qaar laba sano jira iyo kuwa ugu badan oo sanadkan hada socda aad ugu soo batey suuqan DUGAANDUG.

Cabdulaahi Cali Cabdi wuxuu suuqan ku leeyahay Dabakaayo uu ku iibinayo noocyada raashinka iyo waxkasta oo dadka Barakacyaasha suuqa Baydhabo ka doonan lahaayeen,mudo sideed bilood ah ayaa ganacsigan uu wadaa.

150-Dollar oo qof qaraabadiisa ka mid ah deyn ahaan uga qaatey ayaa sabab u ah in ganacsiga muhiimka ah ee maanta uu leeyahay ku aas aaso,qarashka hada Dabakaayada alaabta ku jirta ku qiimeeyey waxay gaareysaa shan boqol oo Dollar.

Cabdulaahi oo Raadiyo Ergo u waramay,wuxuu sheegey in waxaa ku qasbay in isagoo sedax sano Magaalada Baydhabo barakac ku yahay,dhibaato uga filnaatey laba sano iyo laba bilood oo nolosha qoyskiisa gargar wakhtiga la helayo aan la ogeyn ku tiirsanaado u ahaan weysey,Waakan isagoo ka sheekeynayo sida fikradan ganacsiga ah uga dhalatey.

“Inaan taagnaado oo gargaar sugo waa ii ahaan weysey, waxaan go’aansadey in Dabakaayadan halkan ka furto ganacsigeyga iska wato,F arqiga hada iyo horey,tan hada aan hayo waan ogahay in aan qarash helayo wax la iga iibsanayo” ayuu yiri Cabdulaahi Sideed bilood ayuu ganacsigiisu shaqaynayaa, wuxu ka mid yahay Barakacyaasha Kaamka Lawiiley.

“Maalintii waxaan ka helaa 3 boqol oo kun oo shillin Soomaali ah, nolshayda hadda waan la soo baxaa, saddex wakhti ayaa qoyskayga waxay cunaan helaan” ayuu yiri Cabdulaahi.

Laakin Ganacsigan qoysaska Barakacyaasha leeyihiin,ee dadka wax ka iibsada keliya ay yihiin Barakacyaasha,wax kasta oo halkan la keeno ma iibsadaan,ee waxaa jira wax yaabo si joogta ah u iibsadaan sida uu sharaxayo Claahi Cali Cabdi.

Cabdulaahi,Caruurtiisa wuxuu waxbarasho geeyey marka ganacsigan uu bilaabey afar ka mid ah caruurtiisa,wuxuu bishii uga baxda 24-Dollor,sida uu ula dhacey ganacsigan uu wado kuma fakarayo inuu dib ugu noqdo deegaanka Ufurow ee Gobalka Bay oo sedax sano ka hor xaalad abaar ah uga soo barakacay,isagoo beeraley ahaa.

“Hada magaalo ayaa deganahay,uma maleynayo anigoo magaalo degan in Miyiga aan ku laabto iima qorsheysana,amarkana alle ayaa iska leh hadii aan rabo waan joogi karaa,hadii kaleba dib waa u noqon karaa,laakin hada iima qorsheysana laabasho”

Cabdulaahi iyo kuwa kale Ganacsiga ku leh Suuqan,waa kiro Meesha ay kujraan,bishiina waxay kiro ahaan u bixiyaan 15 Dollar.

Duleedka Koonfrureed ee Magaalada Baydhabo oo ganacsigan ka aas aasmey islamarkaana qoysaska barakacyaasha ay degan yihiin ayaa xeriyaha kuyaala nawaaxiga Suuqa DUGAANDUG,waxay garayaan ilaa 12 Kaam,qoysaska halkan degan wax kasta suuqa uga baahan yihiin waxay ka helaan suuqan sida uu sharaxayo Cabdulaahi Macalin Cali oo ah Gudoomiyaha Xerada barakacyaasha Lawiiley.

“Suuqan wuxuu soo marey,iyagoo qof dadka Kaamka ka mid ah suuqa Baydhabo kasoo qaadayo hal kartoon oo Baasta ah,Laba bari kadib hadana inta uu laabto Kartoon kale soo qaadayo,maanta waad arkeysaa Boqolaal ganacsiyo kala duwan oo wax kasta laga helayo ayaa ka abuurmey,qaar ganacsatada ka mid ah way isku filnaaden,Hay’addaha waxaan leenahay kuwa ganacsiga yer leh ha caawiyaan”

Faadumo Maxamed Nuur-51 sano jir,Meherad hilib iyo khudaar ay ku iibineyso ku leeyahay suuqa qoysaska barakacyaasha ganacsiga ku leeyihiin ee DUGAANDUG,sedax sano oo halkan ay joogto,ayaa sanad iyo bar ka mid ah waxay aheyd mid gagaar ku tiirsanaa nolosha qoyskeeda oo todoba qof ka kooban, laakin sanad iyo barkii u danbeeyey waxay bilowdey markii nolosha qoyska aad u adkaatey in khudaa ibiso, bilood kadibna waxay xariir la yeelatey Kawaanada hilibka Baydhabo,iyadoona hada isla iibisa khudaar iyo hilib dadka xeradana ka iibsadaan.

Faadumo,waxay heystaa lix caruur ah oo aqoon ah aabahooda dhintey sanad ka hor,waxay ahaayeen qoysas beeraley ah oo abaar uga soo barakacay degmada Qansaxdheere ee Gobalka Bay.

Ganacsigan inta ay bilowdey Caruurteeda sedex ka mid ah waxbarasho ayay geystey,waxay bishii ka bixisaa lacag dhan 18 doollar,sidoo kale Faadumo ayaa ganacsigan ka faa’iidey in dhul banaan ku iibsatey lacag dhan 2 kun oo doolar,balse dhowaan ay qorsheyneyso iney dhisato si Barakaca kaamka uga baxdo,waxaan kala sheegeystey isbadelka Nolosheeda ku keeney ganacsigan maadama horey gargar keliya uga tiirsaneyd.

“Noloshii hore midan ayaa iiga fiican oo nolosheyda way is badashey,waxay isku badashey,Waan cunaa,waan cabaa,lacagna waan helaa anigoo hay’ad sugeynin oo gacanta ii hoorsaneyn,hada gacanteyda ayaa ka dhargayaa,lacag shilin soomaali oo Maliyan ah ayaa suuqa la aadaa hilib iyo khudaar ayaa kusoo iibiyaa kadib dadka halkan ayaa iga iibsado”

Suuqan qoysaska barakacyasha keliya ganacsiyada ku leh,waxaa kaloo laga helaa sarifka lacagaha, Bilaal Maxamed Ibraahin,wuxuu suuqan la fadhiyaa dhalo ay uga jiraan lacago shilin soomaali ah iyo Baakado sigaar ah,waa qofka keliya suuqan Barakacyasha lacagaha ku sarifa.

“Qof saaxiibkeyga ah ayaa igula taliyey in aan xoogeyga shaqeysto oo qof wax ka sugin, sarifka ayaa doortey,aad iyo aad ayaa is badel u dareemey,waayo maalin kasta anigoo faraxsan ayaa halkan ka tagaa oo gurigeyda aada,waxaan ka nastey fikirkii badnaa iyo wal walkii habeenkii marka aan guriga u hooyado I heyn jirey” ayuu yiri Bilaal.

Mudo hal sano ah ayuu ganacsigan sarifka wadaa,isagoo Baydhabo jooga shan sano oo afar sano ka mid ah gargar ayuu ku tiirsanaa,wuxuu leeyahay qos ka kooban todoba ruux,wuxuu ku bilaabey dhaladan lacagaha uga jiraan 20-dollar inta uu soo sariftey shilin soomaali kasoo dhigey,ayaa dadka EVC-wata lacag cadaan ah uga badalaa sidaasna hada ganasigiisa ku balaartey.

Inkastoo Suuqyo ka aas aasmayaan Xeriyo kala duwan ee mgaalada kuyaala,hadana midkan DUGAANDUG wuu ka duwanyahay,waa suuq ganacsiyo hor leh ku sii balaaranaya,sharci ahaan shihiisa waa mid dood ka imaan karta,waayo waa waddo hareeraheda,qaar way ka yara durugsan yihiin wadada, badankoodana waa kiro waxaa jiingado ku dhistey milkilayasha dhulalka Barakacyaasha.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 24-OCT-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 25-OCT-2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 25-OCT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo