Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween agabka hidaha iyo dhaqanka ka macaashay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 2, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Haween agabka hidaha iyo dhaqanka ka macaashay

Dhanka bidix Barni Cali Maxamed, Xabibo Axmed Cadow, Xaliimo Barre Osman, Geni Siyaad Xasan/ Axmed Cabdulaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Konton haween ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab oo sameeya alaabaha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo agab dhaqameed kale oo laga isticmaalo dalka Kenya ayaa dhaqaale fiican oo wax weyn ka taray nolosha qoysaskooda ka soo saara agabkan.

Haweenkan oo shaqadan si wadajir ah u soo billaabay sannadkii hore 2018-kii  ayaa agabkan oo ay iibiyaan ka soo xereeya dhaqaale gaaraya bishiiba ugu yaraan $5000.

Safiya Xirsi oo ka mid ah haweenkan oo ku midaysan urur lagu magacaabo Yote Farsamo Group waxaa dhaqaalaha ay hesho ku tiirsan nolosha qoyskeeda oo ka kooban siddeed qof.

Waxay sheegtay in alaabahan ay u iib-geeyaan magaalooyinka dalka Kenya oo aad looga isticmaalo. 

Safiyo oo samaynta agabka hidaha iyo dhaqanka baratay intii ay joogtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxaa fursaddan ka heshay Yoote Farsamo oo tababar siisay sanadkii 2017.

“Masafaha ayaan sameeyaa, dambiilaha ayaan sameeyaa, dermaha waan sameeyaa, sidoo kale dharka waa ranjiyeeyaa, maasha aad baan hadda farsamadaa u fahansannahay waan bartay,  maadaama ay waxaan ay waxaan hidaha iyo dhaqankayagii ay tahay oo aan samaysan jirnay,” ayay tiri safiyo.

  Safiyo ka sokow in samaynta agabkani ay u tahay xirfad ay ka raadiyo nolol maalmeedkeeda dhinaca kale waxay sheegtay in ay qayb tahay shaqadani soo noolaynta hiddii iyo dhaqankii Soomaaliyeed.

Agabka dermaha, dambiilaha, saliyada babisyada, Masafyada, koofiyadaha iyo dharka aliindiga ahi waxaa uu ay ka mid yihiin agab ay haweenkani ku sameeyaan xaruntooda oo ku taala Xerada qaxootiga ee Xagardheer. 

Haweenka Xirfadlayaasha ah waxaa miradhalka shaqadan ka caawiyay hay’adaha samafalka ee Norwegian Refugee Council  NRC iyo  International Trade Centre ITC.

Cadar Haajir Cabdi, oo ah guddoomiyaha haweenka sameeya agabkan, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ururkoodu hadda xiriir ganacsi la leeyahay dad badan oo daneeya waxyaabaha.

“Soomaalida marka ay arakaan aad bay ugu farxaan oo waxaa laga yaabaa xataa qof aan iibsan rabin in uu sali kaa iibsado ama dambiil uu kaa iibsado,  Nairobi maalin dhoweyd mar aad aad nay oo Peace Pas meel la yiraahdo Bandhig aan u aadnay Soomaali debedaha ka imaadeen baa naga iibsadey saliyo,” ayay tiri Cadar.

Barni Cali Maxamed waa hooyo ka mid ah xirfadlayaasha sameeya agab dhameedkan. Waxay qabashada shaqadan u tahay sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay il dhaqaale oo ay ka kabto nolosha qoyskeeda oo ka kooban 14 qof.

Barni ayaa lacagta ka soo gasha shaqadan sida ay xustay ku deberta kala bar cuntada quutal daruuriga.

Barni waxay samaynta agabkan baratay iyada oo aad u yar oo markaa joogtay dhulka baaddiyaha ee gudaha dalka Soomaaliya. 

“ Dadka waa jecelyihiin oo waa soo jiidataa, dharka kariska iyo waxyaabahaa aad baa loo jecel yahay, wixii hadda nolol maalmeedka cidiheena aan ku maarayno meeshaan uun baan ka helnaa,,” ayay tiri Barni.

 

 

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 02-SEPT-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 03-SEPT-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 03-SEPT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo