Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka nadaafadda iyo dhar-dhaqista ku shaqeeya oo dhibaatooyin ka cabanaya

Radio Ergo by Radio Ergo
August 26, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Haweenka nadaafadda iyo dhar-dhaqista ku shaqeeya oo dhibaatooyin ka cabanaya

Haweenaydan oo ku nool xerada Dan iyo Daacad waxay la kulantay kufsi xilli ay shaqaynaysay xaafad ka mid ah xaafadaha Muqdisho/Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dumarka dagan xeryaha Barakayaasha Muqdisho ee ku shaqeeya dhardhaqista waxa ay la kulmaan waqtiyada qaar  dhibaatooyin iskugu jira in loo diido lacagahii ay  ku shaqeeyeen iyo in laga been abuurto.

Keliya intaa ma ku koobna dhibaatada ee waxaa  jira in sidoo kale in xilliyo qaar ay la kulmaan kufsi.

Haweenka  la kulma dhibaato xadgudubka galmo kuma dhiiradaan in ay  sheegaan oo ay la wadaagaan xarumaha booliiska ama ururada ka shaqeeya wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka sabab la xiriirta amnigooda iyo in lagu takooro ama ceebeeyo falkii ay la kulmeen.

Dumarkaasi waxaa ka mid ah Kaltuumo Abiikar (ma aha magaceeda saxda ah) waa hooyo haysata lix carruur ah oo aabbahood ay kala tageen. waxa ay barakac tahay laba iyo toban sano  toban, toban oo ka mid ay ku shaqeenaysay dhar dhaqis ay ku maarayso nolasha qoyskeeda.

Intii ay ku shaqaynaysay dhardhaqista, Kaltuumo labo jeer ayay sheegtay in la kufsaday weliba iyadoo uurleh.

“Labo mar ayaan la kulmay, mar oday waayeel ah ayuu ahaa, aniga oo laamiga taagan ayuu iweydiiyay qof dhardhaqo, (markaas baa dhahay) anaa dhaqaayo, markaas ayaan gaari fuulay, markaan xogaa soconay, dhankaan asluubta dhankeeda ayuu igala leexday, markaa juqda gaarnay, ayuu i dhahay aniga jismigaaga ayaan u baahanahay, dhaqow uma baahni,” ayay tiri Kaltuumo oo sheegtay in ay ninka ka codsatay in uu iska daayo balse u hanjabay.

Labo bilood, ayay haddana mar kale la kulantay kufsi kaga yimid nin ay shaqo u qabanaysay.

“Xaaladda kale Oodweyne ayaan joogay waddada aniga oo socda oo “dhaqow dhaqow” dhahaya ayaa wiil iskaabulo ah irid aan marayey soo furay, dhar baan dhaqis u rabaa ayuu dhahay ee kaalay ila heshii waan la heshiiyay, baafafka soo bixi ayaan ku iri, albaabka ayuu soo xirtay, waxa uuna igu yiri inta aadan shaqada bilaabin, adaa kaa shaqeenayaa, ee wax kasto aan sameeyay waa uu diiday, sidaas ayuu iga dhameestay,” ayay tiri Kaltuumo Kaltuumo oo 32 jir ah.

Kaltuumo iyo carruurteed waxaa ay ku nool yihiin Xerada Dan iyo Daacad ku taalla degaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.

Sidaas si la mid waxaa iyana fal kufsi Ruqiyo Xaamud (ma aha magaceeda rasmiga ah) ku ku nool Xerada Dan iyo Daacad.

Waxa ay  ka shaqeeysaa dhardhaqista oo ay ka masruufto reerkeeda. Ruqiyo oo da’deeydu  tahay 40 jir waxaa ay korisaa carruur ay ayeeyo u tahay oo agoon ah.

Labo sano iyo bar ka hor ayay sheegtay in ay la kulantay xadgudub galmo.

“Aniga oo dhar dhaqow ku jira, nin doob ah baa igu yiri dhar ii dhaq, asal waan u dhiqi jiray, sidii hore ayaan u haystaa, ninka meel ayuu igu jiray waa uu igu dhagay, kaligiis ayaa guriga joogay, hore anaa u dhaqi jiray, qof haddii aad isbarataan waad aamineysaa, anna waan aminay.  Qori ayuu igu qabtay isdhig ama naftaada ayuu i dhahay, qori guriga ugu jiray ayuu ahaa, see yeelaa marka?,” ayuu yiri Ruqiyo oo ay ka muuqato daruuf iyo dan.

Maryan Taqal Xuseen oo ah madaxa arimaha haweenka iyo Xuquul insaanka ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo SWDC ayaa sheegtay in ay jiraan falal kufsi ah oo loo geysto haweenka soo barakacay, inkastoo ay xustay in aysan si gaar ah u diiwaangelin.

Maryan ayaa sheegtay in ay haween kuwa dharka dhaqa ah oo ay isku dayeen in ay ka caawiyaan in dacwadahooda ay maxmadaha geeyaan, hase yeeshee marka howsha loo billaabo ay qabyo uga tagaan, iyadoo u sababaysay in haweenkaas aysan waqti badan u hayn kiisaska , maaddaama ay qoysaskooda u shaqeynayaan.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 26-AUG-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 27-AUG-2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 27-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo