Shucayb Xasan Cali oo ah Arday ka soo jeeda qoys ka soo baragkacay colaado sokeeye ayaa kaalinta koowaad u galay ku dhowaad 10,000 kun oo arday oo sannadkan ku biiraya dugsiyada sare ee Puntland.
Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa natiijada shaacisay khamiistii. Imtixaankan waxaa bishii May u fariistay ilaa 10,000 oo arday. Laakiin 417 ka mid ah oo wiilal u badani waa ay dheceen, 78 kalena uma fariisan imtixaanka, Weriyeheenna Maxamed Salah ayaa warbixintan hoose ku eegaya.









