Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Bari: Magaalada Bareeda oo laga hirgaliyay biyo-galin

developer by developer
May 24, 2019
in Arrimaha Bulshada, SOCIAL, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Ilaa 600 oo qoys ayaa ka faa’iideysatay mashruucan biyo-galinta oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay deegaanka Bereeda oo 476 km u jira magaalada Boosaso ee xarunta gobolka bari.

Bareedo oo la qiyaaso inay ku nool yihiin 1,000 qoys ayaa dadku badankood nolashoodu ku tiirsantahay ka ganacsiga kalluunka, xoolaha nool iyo xijjiga.

Dadka magaalada iyo kuwa xooladhaqatada ah deegaanada u dhaw ayaa markii hore biyaha ku heli jiray si adag.

Ceelka kaliya ee ku yala magaala ayaa waxaana la isticmaalayay muddo ku dhow 50 sano balse marar badan ay cillad ku timid ayaa oo sababtay in dadka magaalada ay biyo u raadsadaan meelo fogfog.

Ganacsatada ka soo jeeda deeganka iyo qurbajoogta ka soo jeeda bereeda ayaa ku guuleystay hirgalinta ceelbiyood matoor ah oo awoodi kara in uu biyaha siiyo ilaa 10,000 oo qoys, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta shirkadda gacanta ku heysa ceelkan.

Waana mashruucii ugu horreeyay ee guryaha lagu galinayo tuubooyinka biyaha la soo gaba-gabeeyay 25-kii bishii April ee sanadkan.

Qeybta labaad ee mashruuca xaafadaha lagu galinayo biyaha ayaa la bilaabi doono bisha September ee soo socota.

Siciid Yusuf Diiriye oo ka mid ah dadka guryahooda loo galiyay biyaha ayaa waxaa uu raadiyo ergo u sheegay in hadda ugu yaraan bishii $15 ay kaga baxdo biyaha u xiran ee tuubada.

Balse inta aanan la hirgelinin mashruucan, ayaa waxaa uu ku bixin lacag dhan ilaa $100 dollar in qoyskiisa biyaha helaan bil walba,

Siciid oo ah aabbaha qoys ka oo ka kooban 14 qof ayaa sheegay in ay tani wax ka badashay nolasha qoyskiisa iyo dadka kale ee deegaanka.

“Markii hore biyuhu aad bay qaali u ahaayeen hadda  haddii wixii qabyada ah loo dhameystiro ceelkan, waxaan qiyaasaynaa in aan ku cabno nus dollar. Nolasha biniaadamkana waa biyo, hadduu qofku intaas heystana, wixii ka badan waa siyaado,” ayuu yiri Saciid.

Dadka ku nool deegaanada miyiga ah ayaa xiliyadii hore fuustada biyaha ah ku heli jiray lacag dhan $10, halka hadda ay ku helaan halkii fuusto 1 dollar, marka loogu geynayo deeganadooda, sida uu noo sheegay Cabdicasiis Xuseen Xaaji cali oo ah maamulaha shirkadda Bereedo Group oo gacanta ku heysa ceelkan.

Cali Saalax Maxamed oo qoyskiisa oo ka kooban yahay 14 qof, kuna nool deegaanka goodiya oo bereeda u jira 17 km ayaa sheegay in biyaha oo yara awgood ay dadkaqarka u u guuraan magaalada, ayna markii hore u doonaan jireen deegaano masaafo ahaan u jira 25 km.

Cali oo haysta xoolo ka kooban 120 neef oo isugu jira ari iyo geel ayaa sheegay in ay hadda dhaqaale yar ku cabaan biyaha, qoyska iyo xoolahaba.

Wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan mustaqbalka in deegaanadooda la soo gaarsiiyo biyaha ceelkaasi.

“Awal biyuhu aad bay ciriiri u ahaayeen, magaaladana waxey qarka u saarneyd in laga guuro, laakiin hadda biyuhu aad bay u fiican yihiin, waana la helaa, waxaad na moodaa dadku in ay soo badanayaan, markii hore tuulooyin fog fog ayaan u doonan jirnay, xiliyadan xagaaga oo kalana waaba ka tagi jirnay deegaanadeena,” ayuu yiri cali.

Maalin kasta ilaa 15 gaari ayaa biyo dhaamin u sameeyo dadka iyo duunyada ku nool miyiga Bereeda, waxaana halkii booyad ay deegaannadaas biyaha ku geysaa fuustadii $1 halkii markii hore ay fuustadii u xisaabin jireen $10 ilaa $15.

Qiimahaas oo ah mid ka sareeya kan gudaha degmada, oo markii hore loo xisaabin jiray $5 ilaa $7 sababta sidaas loo yeelanayna, waxay mas’uuliyiinta ku sheegeen in ay tahay saacadaha ay booyaddu safarka tahay iyo shidaalka ku baxa.

Cumar Axmed Saalax oo kamid ah dadka degen Bereeda ahna aabaha qoys ka kooban 10 qof ayaa sheegay in markii hore ay biyo yaraantu sabab u ahaan jirtay masaafada ay gaadiidku u soo marayaan iyo wadooyinka oo aad u xun, islamarkaana burbursan.

Wuxuusa sheegay in haddii hadda la helay biyo ku filan deegaanka ay yaraan doonaan caqabadihii hore.

“Biyuhu awal meel laga soo dhaamiyo ma ba laheyn, baabuur soo dhaamin karana ma jirin laakiin hadda haddii ceel la heley wey ka sahlantay,” ayuu yiri Cumar.

Hay’addda Biyaha iyo Tamarta Puntland ee Passaweyn ayaa ka caawinaya dhismaha dhuumo qaada biyaha oo laga hirgalin doono deegaanka, si ay biyaha ceelka u gaarsiiyaan magaalada.

Ganacsade Cabdicasiis ayaa ku bixiyay dhisida ceelkaas  lacag dhan $25,000 taa oo lagu bilaabay qodista ceelka.

Waxaa sidoo kale gacan ka gaystay qodista iyo dhamaystirka ceelka labo hay’adood. Bareedo iyo magaalooyinka kale ee hoostaga ayaa wali aysan si wanaagsan oga de’in roobabka guga.

Previous Post

Laascaanood: Haweenka hilibka iibiya oo ka walaacsan qiimo koror ku yimid xoolaha

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 24-MAY-2019

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 24-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo