Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barnaamijka Gobaad - Haweenka

Laascaanood: Haweenka hilibka iibiya oo ka walaacsan qiimo koror ku yimid xoolaha

Radio Ergo by Radio Ergo
May 24, 2019
in Barnaamijka Gobaad - Haweenka
0
HAWEENKA KISMAAYO OO YEESHAY KULAN AY NABADDA KU TAAGEERAYAAN

Sawir: Kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan boqol haween ah oo hilibka ku qala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayay shaqadii ka joogsatay saddexdii bilood ee la soo dhaafay kadib markii ay yareedeen xoolihii la keeni jiray sayladda magaalada sabab la xiirirta xoolo-dhaqatada oo u roob raacay deegaanno fog-gog.

Haweenka qaar ayay hilib-qalistu ka joogsatay afartii toddobaad ee la soo dhaafay markii ay qaaliyowbeen xoolaha yare e la keeno sayladda.  Waxaa horay loo keeni jiray in ka badan 150 neef oo isugu jira ari iyo geel iyaddoo hadda sayladda la keeno wax ka yar 60 neef sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Jaamac Axmed Salebaan oo ka mid ah dallaaliinta sayladda Laascaaniid.

Saynab Abdilaahi Maxamed oo mid ah haweenka ay shaqadu ka joogsatay muddo afar toddobaad ah ma qalin wax xoolaha. Waxay sheegtay in neefka ariga ah ay horay ugu iibsan jireen $60-90 uu hadda gaaray $140 taas oo ay uga sii daran tahay in xoolaha sayladda la keeno islamarkiiba ay qaataan dadka u soo hormara.

“laba arimood ayaa isukaaya raacay xoolihii way qaali garoobay iyo iyagii oo lawaayay. muddo 20 maalin ah hal neef maan qalin maalin kasta waxaan imaadaa salyada si aan bal neef aan qalo u helo mana helo hada waxaan joogay saylada saacada badan shaly aroortii ayaa imi qoraxda ayaa iigu dhacday,” ayay tiri Saynab.

Saynab oo ah hooyada 11 carruur, waxay shaqo la’aantu saameyn ku yeelatay noolosha qoyskeeda oo ay si maalinle ah ah waxaa ka joogsaday shaqadii ay qaban jirtay oo ay ku tiirsanaayeen nolosha qoyskeeda. Waxay xustay inay wayday biilkii carruurrteeda taasina ku riixday inay dukaan ay horay raashinka uga soo qaaday jiray dayn ka hesho hadda iyadoo ka welwel haddii xaalku san sii ahaado dayntaasi waayi karto.

“Hadda waxaa dayn ka qaataa dukaan aan markii hore ku xidhnaa maalintii waxaa uu isiiyaa lacag 10  dollar ah. oo aan kusoo iibsada raashin iyo adeeg. lacagta hada dukaankaasi igu leeyahay 300 oo dollar way ka badantahay  hadii shaqo la’aantani sii socoto waxaan ka baqayaa in dayntaasi aan waayo waxaan u sheegay in xoolihii aan qali jiray aan waayay kan rabo day aan iska bixiyo markaan shaqadii dib u helo wuuna ii ogolaaday,” ayay tiri.

Cadka hilibka adhiga ah ayaa gaaray $13 kaas oo horay u ahaa $8. kiilada hilibka geel ah ayaa Iyana maraysa 400 oo shilinka Soomaali ah iyadoo horay u ahayd 270 waxaa kor u kaca hilibku uu sidoo kale saameeyay dadka danyarta ah ee hilibka ku iibsan jiray qiimo yar.

Saynab ayaa tilmaamtay in haweenka shaqadan waayay qaarkood inay dayn waayeen oo dadka deriska la’ah  ku caawiyaan raashinkii ay maalintaasi carruurta u karsan lahaayeen iyaguna lasoo afura dadka deriska la ah.

Saameynta ugu daran ee ay qoyskeeda ku yeelatay shaqo la’aanta ayaa ah in sagaal kamid ah caruurteeda oo wax barta laga soo caydhiyay iskuulkii kuwaas oo ay sheegay inay ku jireen imtaxaankii markii ay u wayday lacagta iskuulka oo isku ahayd 220 dollar.Waxay xustay inay u iibisay katiinad dahab ah oo laga siiyay 225 dollar islamarkaana ay bishaan carrruurta iskuulka ku laabteen inkastoo aanay hayn wax ay bisha soo socota ku bixiso.

Sidoo kale waxay tilmaamtay inay biyaha ay cabaan qoyskeedu booyadi ugu shubto dayn lacagta booyadaasi ku leedahayna tahay 50 dollar, guriga ay ku jirto ayay sheegtay inuu yahay hanti ay ka shaqaysatay shaqadan ay hada wayday saygeeda ayay sheegtay inuusan shaqayn oo ay nolosha caruurteeda tobankaasi sano kasoo saaraynay hilibka ay qasho maalintii ayay sheegtay markii hore ay faa’iido ka heli jirta u dhaxaysa 10 ilaa 20 dollar.

Haweenka kale ee shaqadu ka jiisatay waxaa ka mid ah Sahra Xirsi Maxamuud oo ah hooyada 11 carruur ah.

Muddo laba iyo toban sano ah ayay ka shaqay-naysay qalista xoolaha nool waxay radio ergo u sheegtay in nolosha qoykeeda ay ku tiirsanaayeen shaqadaasi saygeeda ayay tilmaamtay unuusan shaqayn xoolaha qaali garoobay ee hilis toodu adkaatay ayay sheegtay inay ku xiireen in afar kamid ah caruurteeda oo dhigaynaysay jaamacad inay ka saartay markii ay awoodi wayday inay ka bixiso lacagta.

 Saddex neef oo adhi ah ayay maalintii qali jirtay markii hore waxayna maalintii faa’iido ka heli jirtay lacag kabadan 20 dollar ilaa 30.

 Muddo ku dhow saddex bilood ayay sheegtay inaysan helin xoola ay qasho taasoo saamayn balaaran ku yeelatay nolosha iyada iyo qoys keeda waxa ay ku nooshahay dayn.

 “Afarta ilmood ee jaamacada ii dhiganayay ee aan u waayay fiiga ee laygu soo baaciyay 2 kamid ah waxay dhiganayaeen jaamacadda nugaal waxayna kala ahaayeen wiil iyo gabar 2 kalana waxay dhiganayeen jaamacdda golis waxayna kala ahaayeen wiil iyo gabar simistarkii laba qayb ayaa u kala bixin jiray saddex-dii bilood waxaan bixin jiray 510 dollar labada jaamacadoodba. Lacgtaasi meel kale kama keeni jirin waxaan ka heli jiray faa’iidada aan ka helo xoolaha aan qalo,’’ ayay tiri Sahra.

Previous Post

Baydhabo: Qoysaska soo barakacay oo la siiyay sharciga lahaanshiyaha dhulka xeryaha ay degan yihiin

Next Post

Bari: Magaalada Bareeda oo laga hirgaliyay biyo-galin

Related Posts

Barnaamijka Gobaad - Haweenka

BARNAAMIJKA GOBAAD

May 23, 2019
Barnaamijka Gobaad - Haweenka

BARNAAMIJKA GOBAAD

May 16, 2019
Barnaamijka Gobaad - Haweenka

Dhageyso barnaamijka Gobaad

May 2, 2019
Halkan ka dhegeyso barnaamijka Gobaad oo aan uga hadalno arrimaha haweenka
Barnaamijka Gobaad - Haweenka

BARNAAMIJKA GOBAAD

January 24, 2019
Halkan ka dhegeyso barnaamijka Gobaad oo aan uga hadalno arrimaha haweenka
Barnaamijka Gobaad - Haweenka

Dhageyso barnaamijka gobaad

January 3, 2019
Dhegeyso Barnaamijka Gobaad
Barnaamijka Gobaad - Haweenka

BARNAAMIJKA GOBAAD

December 20, 2018
Next Post
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Bari: Magaalada Bareeda oo laga hirgaliyay biyo-galin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-OCT-2025

IDAACADDA 17-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-OCT-2025
October 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo