Barnaamijka waxaa maanta marti inoogu ah Idil Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah gabar haysata labo carruur ah oo buuggeeda jaamacadda difaacatay. Idil oo jaamacadda Muqdisho ka dhigaynaysay culuumta caafimaadka, waxaan ka wareysannay caqabadaha ay leedahay in waxbarasho iyo carruur ay isku hayso. Leyla Cabdi Maxamed oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa kula xiriirtay qadka taleefanka iyadoo joogta magaalada Muqdisho.