Cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee banaadir ayaa shalay maamulkiisa sheegay inay albaabbada isugu dhufteen laba qeyb oo shubanka ah oo mid carruurta la seexiyo qeybna dadka waaweyn kaddib markii hay’addii maamuleysay ay taageeradii joojisay.
Maxamed Sheeq-doon Siyaad oo ah dhaqtarka qaabilsan qeybta shubanka ayaa sheegay in wax daawo ah oo la siiyo bukaannada qaba shuban biyoodka aysan oolin taasina ay keentay in la xiro labadaas qeybood. Maxamed Cabdi Xassan ayaa wareystay.








