Ol-ole ay waddo wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya oo kaa shanaysa hay’ado caalami ah ayaa loogu talo galay in haweenka ku nool gobollada dalka ay ka faa’iidaystaan daaweyn lacag la’aan ah oo loo sameynayo. Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya Dhaqtar Cabdullahi Wehliye Afrax ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in arrintan oo ay soo wadeen muddo sannad ah markii u dambeysay lagu daweeyay boqol iyo dhowr haween ah. Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Muqdisho Cali Aadan Muumin ayaa wareystay agaasimaha.








