Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Tallaalka xoolaha oo ka socda gobolka Shabeellaha dhexe

Radio Ergo by Radio Ergo
December 6, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Sool: 35,000 oo ari ah oo laga daweeyay cudurro

Photo | Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hal milyan iyo boqol neef oo ari ah ayaa laga tallaalayaa cudurrada furuqa iyo jadeecada. Tallaalka oo billowday bishii hore ee Nofembar ayaa socon doona ilaa dhammaandka bisha Janaayo e sanadka soo socda ee 2019.

Cumar Samatay oo ka mid ah ururka dhakhaatiirta xoolaha Soomaaliya ee loo yaqaanno CARELPA ayaa Raadiyo ergo u sheegay in tallaalka ay fulinayaan ururkooda oo dhanka dhaqaalaha ay ka taageereyso hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Tallaalka wuxuu ka socdaa miyiga boqol tuulo oo ka tirsan degmooyinka Jowhar, Mahaddaay, Balcad, War-sheekh iyo Cadalle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana fulinaya dhakhaatiir iyo kooxo caafimaad oo tagay miyiga.

Qoys kasta oo dhaqda ari oo ku nool meelaha uu ka socdo tallaalka ayaa la hubin doonaa in xoolahooda la tallaalay.

Qaasim Barrow oo ku nool tuulada Dhurwaale ee duledka degmada War-sheekh, wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada ariga loo tallaalay. Toddobaatan neef oo isugu jiro ido iyo ari-cad ayaa hadda loo tallaalay. Wuxuu tilmaamay in xoolo-dhaqatada tuuladiisa xataa xoolahooda loo tallaalay.

Labo bilood ka hora yay shan nee foo arigiisa ka tirsan ka dishay furuq xoolaha ku dhacda.

“Hal neef oo aan suuqa geeyay ayaa la iga gadan waayay, markaas baan meel kula xiray xoolo cudurka qabo, kaddibna xoolihi markaan ku soo dhex celiyay cudurki ayay qaadeen,” ayuu yiri Qaasim oo xusay in markii dhakhaatiirta xoolaha u tallaaleysay uu u sheegay calaamadaha xoolihi ka dhintay uu ku arkay marki ay xanuunsadeen ay u xaqiijiyeen in xanuunku uu ahaa furuq.

Fardowsa Maxamed Cabdi oo ka tirsan dhakhaatiirta tallaalka fulinaya ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in cudurrada furuqa iyo jadeecada ee ay hadda ka tallaalayaa ariga ay yihiin kuwo dilaa ah oo aan lahayn daawo ka hortag mooyee.

“Jadeedaca xoolaha calaamadaheeda waxaa ka mid ah diif, xummad, nabro yar yar oo ka soo baxa jirka neefka.  Sidoo kale furuqa waxaa la isugu gudbiyaa neef caafimaad qabo oo neef cudurka qabo uu ku neefsado iyo dhamaan jirka oo nabro ka soo baxaan,” ayay tiri Fardowsa.

Tallaalka ayaa la billaabay kaddib markii xog aruurin bishii Agoosto la sameeyay lagu ogaaday in 1,500 oo nee foo ari ahaa ay u dhinteen cudurrada furuqa iyo jadeecada, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha waaxda xannanada xoolaha ee maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe Cumar Aadan Samatar.

“Dhaqashada xoolaha, iibsigooda iyo dhoofkooda waxay ku xiran tahay caafimaadkooda. Waxaa loo sababeeyn karaa jiritaanka cudurrada xuduudaha gobollada ee ay reer guuraaga isaga kala gudbaan,” ayuu yiri Cumar.

Ololaha tallaalka cudurrada jadeecada iyo furuqa ayaa sidoo kale waxay ka socdaan deegaanno ka tirsan gobollada Galgaduud, Hiiraan, Mudug, Jubbada hoose iyo Gedo.

Dhakhaatiirta xoolaha tallaalaya ayaa ku talinaya in xoolo-dhaqatada looga baahan yahay inay xoolahooda tallaalaan si looga hortago cudurka.

Previous Post

BARNAAMIJKA GOBAAD

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo