Magaalada Kismaayo waxaa ka dhisan xarun isbitaalka magaalada u qaabilsan keydka dhiigga iyo diyaarinta dadka tabarucaadda u bixiyo dhiigga. Tani waxay wax badan ka beddeshay xaaladda haweenka umulaya ee dhiigga u baahdo xilliga foosha.
Maxamuud Xasan Muxumad oo ah madaxa xaruntan ayaa u warramay weriyaha Raadiyo Ergo Axmed Cabdi Toronto.









