Gabdho loo tababaray in ay bulshada qaxootiga ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee gobolka waqooyi-bari Kenya ka wacyi geliyaan dhibaatada iyo halista gudniinka fircooniga ayaa ku guuleystay in ay 100 gabdhood ka badbaadiyaan gudniinka fircooniga, kaddib markii ay waalidiintooda ku qanciyaan in aysan gabdhahooda gudin.
Haddaba, weriyaha Raadiyo Ergo ee Dhadhaab Ahmed-nuur Mohamed Yogol ayaa wareystay guddoomiyaha kooxda gabdhaha wacyigelinta sameeyey, Fardowso Cabdullaahi Cali.









