Haweenka dhinta iyagoo uur leh, ayaa waxaa sabab u ah wacyi gelin la’aan ka dhex jirta bulshada.
Hodan Axmed Cali, waa dhakhtarad ka hawl gasha isbitaal ay leedahay jaamacadda Banaadir, oo si bilaash ah haweenka ugu qabata adeegyo caafimaad.
Waxey tilmaantay in dhibaatooyinka haweenka soo gaara xiliga uurka iyo kuwa u dhintaba, ay inta badan sababaan haweenka oo aan tagin xarumaha caafimaadka.
Leyla Cabdi Maxamed, ayaa weeydiisay Drs Hodan, kaalinta isbitaalka iyo dhakhaatiirtu ay ku leeyihiin in haweenka wacyi gelin iyo adeeg loo fidiyo.









