Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Haween u gurmaday dad ka soo barakacay gobolka Soomaalida ee Itoobiya

developer by developer
November 30, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas abaaraha ku cayroobay oo ka faa’iideystay gargaar raashin ah

Keyd Ergo/Dad raashin gargaar ah loo qeybiyey.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Inka badan 400 oo qoys oo ku jiro xero barakac oo ku taalla  degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa helay gargaar raashin iyo biyo, kaasoo ay soo ururiyeen barakacayaal kale oo iyaguna isla xeryo magaalada ku yaalla ku jira.

Qoysaskan gargaarka helay bartamihii bishan ayaa muddo saddex bilood ah ku sugnaa Caabudwaaq, waxayna ka soo barakaceen rabshado ka dhacay gudaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Koox haween ah oo 60 qof ka kooban ayaa kaalmada raashinka ka soo ururiyey dad kale oo barakacayaal oo abaarihii dhawaa ku barakacay iyo dad deegaanka ah. Waxay mid mid u tagayeen suuqyada iyo xaafadaha Caabudwaaq, iyagoo ka soo ururiyey  suuqyada iyo xaafadaha Caabudwaaqq gargaar isugu jira raashin, dhar, maacuun iyo lacag.

Canab Cabdi Cali oo madax ka ah xerada barakaca Mahad-Alle, oo hormud u aheyd haweenka ururiyey kaalmada ayaa u sheegtay Raadiyo Ergo in howshan ay ku dhalisay markii ay arkeen heerka ay gaarsiisan tahay baahida ay dadkaas u qabaan in ay helaan gargaar, iyadoo aysan jirin wax hay’ado ah oo caawiyey.

Waxay sheegtay marka laga tago raashinka in ay ururiyeen lacag dhan $1,300.

“$400 oo lacagta kamid ah waxaan ugu iibinay baco ay aqalladooda ku xirtaan. Raashinka waxaan u siinay sida ay qoysaska u kala badan yihiin”, ayey tiri Canab.

Qoysaska gargaarkan ka faa’iideysta waxaa kamid ah qoyska Qureesha Food oo ah hooyada toban carruur ah oo ka soo barakacday bishii September deegaanka Tuli-guuleed ee Itoobiya markii colaad u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada uu deegaanku ka qarxay.

Labo jeer oo kala duwan ayey October iyo November waxay heshay raashin ka kooban 12 kiilo oo baasto iyo sonkor ah iyo saddex liitar oo saliid ah.

Waxay kaloo heshay maacuun, dhar iyo bacaha roobka laga jirsada.

Koox dhallinyaro mutadawiciin ah, ayaa iyaguna toddobaadkan raashin ay iska soo ururiyeen oo isugu jira toddoba loor oo bur, bariis iyo sokor ku wareejiyey haweenka.

Dadka ka soo barakacaya rabshadaha qowmiyadaha u dhexeeya ee ka jira gudaha Itoobiya ayaa ku soo badanayey xeryaha Caabudwaaq labadii bilood ee u dambeeyey.

Ilyaas Aadan Askar oo ah aabaha qoys ka kooban 20 qof ah wuxuu qoyskiisa October 25 helay raashinka kaalmada ah ee ay haweenka soo aruuriyeen oo ka koobnaa min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sokor ah, kartoon baasto ah iyo saliid. Waxaa raashinkaas loo siiyay in qoyskiisa uu aad uga tiro badan yahay qoysaska kale ee soo barakacay.

Raashinka wuxuu helay markii uu wax ka yar toddobaad un joogay xerada Mahad-Alle. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qoyskiisa oo badan darteed uusan raashinkaas ku wada filneyn, balse ay tahay kaalmada keliya ee uu helay markii uu yimid Caabudwaaq.

Haweenka howshan sameeyey waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan inta karaankooda ah caawinta dadka cusub ee soo barakacay.

Previous Post

DHEGEYSO BARNAAMIJKA GOBAAD

Next Post

Dad qabo xanuunka dhimirka oo laga saaray isbitaal lagu daweynayey

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dad qabo xanuunka dhimirka oo laga saaray isbitaal lagu daweynayey

Dad qabo xanuunka dhimirka oo laga saaray isbitaal lagu daweynayey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo