Xarumahaan oo saddex ah oo hay’adihii taageeri jiray hakiyeen caawimaaddii ay siin jireen ayaa waxaa maalintii booqan jiray in ka badan afar boqol oo qof kuwaas oo hadda adeegyo caafimaad u baahan. Cudurrada malaariyada iyo shuban biyoodka oo halkaas ka dillaacay ayaa xaalad kale dhaliyay, iyadoo dadku aanay awoodin inay daawo iibsadaan. Muxyadiin Xasan Maxamed ayaa warbixintan Baydhabo ka soo diray.









