Qaar kamid ah dadka qabo xanuunka dhimirka ayaa laga saaray isbitaal xanuunka maskaxda lagu daweeyo oo ku yaalla magaalada Buuhoodle, kaddib markii qoysaskoodu dadkani ay awoodi waayeen kharashka bishii laga qaado dadka xaruntaas lagu xannaaneeyo.
Illaa 35 qof ayaa ka baxay isbitaalka tan iyo July 2018, markii ay ehelladooda awoodi waayeen in ay bixiyaan lacagta isbitaalka oo dhan $150.
Haddaba, warbixin arrintan kusaabsan waxaa Buurhoodle ka soo diray weriyaheena Khadar Cowl Ismaaciil.