Inka badan 50 qof oo ku nool deegaanka Harare ee ku yaalla xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku sumoobay hilib ay cuneen 9-kii bishaan, sida ay Raadiyo Ergo u xaqiijiyeen ilo caafimaad iyo goob-joogayaal.
Sumowga dadkan ayaa yimid kaddib markii ay cuneen hlibka neef geel ah oo cabay biyo lagu daray sun nooca waraabaha looga hortago.
Dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo ka tagay degmada Guriceel u gurmaday dadka sumoobay ayaa soo gaarsiiyay isbiitaalka Istarliin 25 ka tirsan dadka ay waxyeelladu soo gaartay oo xaaladoodu aad u darneyd, halkaas oo hadda lagu daweynayo. Haddaba Maxamed Xaashi oo ka tirsan Ergo ayaa ka wareystay sida sida ay u sumoobeen iyo xaaladda dadka la daweynayo Dr. Cali Cumar Tarabi oo ah agaasimaha isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel.








