Dhegeyso barnaamijka dalan-dool oo aan uga sheekeyno halisaha tahriibka. Barnaamijka oo aan baahinno maalmaha Khamiista iyo Isniinta waxaan maanta ku soo qaadaneynaa xeer ilaalinta Puntland oo waddo wacyi gelin dadka lagu barayo xeerka daabulka iyo ka-ganacsiga dadka, kaas oo la dhaqan gelin doono sanadka soo socda. Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Siciid Anteeno.