Tiro ku dhow 300 oo qof oo qabo cudurka qaaxada ayaa saddexdii bilood ee u dambeysay, iska diiwaangeliyey, looga daweey cudurka xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Dhakhaatiirta ayaa sheegayo in ay jirta koror tirada dadka qabo xanuunka, sida uu warbixintan ku faahfaahinaya weriyaha Raadiyo Ergo ee Muqdisho, Munasar Maxamed Cabdi.









