Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal beeraley oo ka barakacay colaadda Shabeellaha dhexe oo gaaray xeryaha Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
August 28, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Kumanaan oo qoys oo ku dhibaataysan Tiyeeglow

Barkacayaal/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO): Dagaal ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Al-Shabaab maalmahan ku dhexmarayey deegaanka Basra, oo 15-km  dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa ku khasbay in ay guryahooda ka barakacaan 600 oo qoys oo beeraley ah.

Qoysaskan ayaa tobankii maalmood ee u dambeeyey soo gaaray kaamka Nasteexo oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, sida uu  Raadiyo Ergo xaqiijiyey guddoomiyaha degmadaas, Maxamed Ismaaciil. Qoysaskan ayaa la dejiyey guryo cooshado ka sameysan oo ku dhex-yaalla kaamka.

Xabiibo Cali Aadan waa hooyada shan carruur ah waxay iyada iyo qoyskeeda yimaadeen xerada Nasteexo 19-kii bishan. Dagaal ka dhacay Basra ayaa sababay in iyada iyo saddex carruurteeda ah ay u soo qaxaan Kamxda.

Labo wiil oo ay dhashay iyo aabahoodna uu midba meel gooni ah u baxsaday, markii uu dagaalku dhacay.  Inkastoo aysan si cad u ogeyn meesha ay hadda ku sugan yihiin, haddana dad ay ehel yihiin oo ay xiriirtay ayaa u sheegay in ay joogaan deegaanka Sabiid oo degmada Afgooye u jira 10-km dhinaca koonfureed.

Xabiibo qoyskeedu waxay deegaanka ay ka soo barakaceen ee Basra ku lahaayeen beer, iyo dukaan ay ku iibin jirtay raashinka iyo khudaarta cagaaran.

Xerada ay qoysaskan soo degeen ma jiro wax gargaar ah oo laga bixiyo, ilaa haddana cid u gurmatay barakacayaashan cusub ma jirto marka laga reebo in dadkii xerada sii deganaa ay siiyeen qoysaskan guryo ay degaan oo qoyskiiba hal guri la siiyey.

Si ay carruurteeda ugu hesho nolol ayey Xabiiba markii ay timid kaamka Nasteexo waxay billowday shaqo dhar dhaqid ah – iyadoo subax subax xaafadaha kale ee magaalada ka raadiso cid ay dhar u dhaqdo, waxayna maalintii ay shaqeyso heshaa $5.

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ee ay qoysaskan yimaadeen, ayaa sheegay in awoodooda keliya ay ku kooban tahay in qoysaska soo barakacay ay siiyaan guryo ay degaan, iyagoo la kaashanaya dadka kaamka Nasteexo ku nool.

“Xilligii ay dadkan goosan lahaayeen  beeraha ay beerteen bishii April ee sanadkan ayey soo barakaceen. Dadku ma aheyn dad abaar ka soo barakacay ,waa dad colaadaha ka soo barakacay. Noloshooda aad bay u liidataa 100%. Guryaha ay heleen ma ahan ,wax kale oo u dheer ma jiraan”. Sidaas waxaa yiri guddoomiyaha degmada Maxamed Ismaaciil.

Caasho Cabdi Isaaq waa hooyada sagaal carruur ah oo aabbahood ku dhintay duqeyn ka dhacay deegaanka Basra billowgii bishan, waxaa ay timidka kaamka afar cisho ka hor.

Waxa ay sheegtay in iyada iyo carruurteeda ay u soo lugeynayeen kaamka ilaa saddex maalmood kaddib markii ay weysay fursad ay lacago ama raashin ku soo qaadato markii mar qura dagaal uu ka qarxay. Deegaanka ay ka soo lugeeyeen ee Basra wuxuu u jiraa Muqdisho ilaa 55 Km.

Waxay ku laheyd Basra dukaan alaabaha bakaasha lagu iibin jiray iyo beer lix hektar. Hal wakhti oo kamid ah saddexda wakhti ee wax la cuno ayey hadda carruurteedu helaan, waxaana ku caawiyo horjoogaha kaamka ay soo degtay.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cabdinuur Furdug oo isna la hadlay Raadiyo Ergo, ayaa sheegay in ay jiraan qoysas kale oo ka soo barakacay tuulooyin kale oo soo gaaray Balcad cabsi ay ka qabaan in ay waxyeello ka soo gaarto colaadda gobolka ka taagan.

Deegaanka Basra oo wali ay dagaalladu ka socdaan waxaa jira ilaa 50 qoysas oo ku haray, kuwaasoo  sheegayo in ay dantu bidday in ay sii joogaan deegaankooda.

Previous Post

Dugsi sare oo cusub oo laga furay deegaanka Duruqsi ee gobolka Togdheer

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen

September 17, 2025
Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa
Cunto-Yaraanta

Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa

September 16, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Baydhabo: Dhallinyaro ku hungoobay safar tahriib oo isku bahaystay beero falashada

September 15, 2025
Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada
Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

September 12, 2025
Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalagyo ka qasaaray beeralayda Mudug markii ay biyo la’aan wajaheen

September 11, 2025
Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada

September 10, 2025
Next Post
Qiimaha xoolaha

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-SEP-2025

IDAACADDA 17-SEP-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-SEP-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2025
September 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2025
September 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2025
September 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2025
September 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2025
September 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo