Wasaarada xanaanada xoolaha ee Somaliland ayaa in ka badan 2 milyan oo neef u samaysay tallaal soconayay muddo 40 maalmood ah. Xoolaha ayaa laga tallaalay cuduro ay kamid yihiin sambab iyo Jadeeco. Gobollada Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool, ayaa saraakiisha caafimaadka ee wasaaradu ay ka sameeyeen ol’olaha tallaalka. Ilyaas Cabdi Cali ayaa warbixintan Hargeysa innooga soo diray.









