Mar kasta oo ay soo gasha bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaa isbeddel ku yimaado habka-dhaqameedka bulshada – waxay dadku kordhiyaan cibaadadooda, waxaa kordha akhrista Qur’aanka Kariimka ah oo inta lagu jira Ramadaanka ay dhacdo in dhowr mar la dhameeyo 30-ka jus ee Qur’aanka.
Waxaa masaajidda iyo xarumaha diiniga ah lagu qabtaa sumaca. Waxaa dhinaca kale ka abuurmo Ramadaanka fursado ganacsi.
Haddaba weriyaheenna Muqdisho, Munasar Maxamed Cabdi ayaa warbixin ku eegaya isbeddellada dhaca xilliga Ramadaanka.











