Cisbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa waxaa la dhigey 250 carruur ah oo ay soo ridatay nafaqo daro weliba nuuca daran, iyadoo 15 kalen ay u dhinteen labadii bilood ee lasoo dhaafay. Carrurutan ayaa laga kala keenay xeryaha lagu barakacay, waxaana dhaqaatirita cisbitaalka hooyada iyo dhallaanku ay sheegeen in culeyskan uu yahay kii ugu badnaa ee sanadahan ay arkaan maadama bil qura 250 qof la keenay.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Muqdisho Munasar Maxamed Cabdi oo booqday isbitaalka ayaa warbixintan soo socota ku eegaya.








