80 qoys oo xaafadihii ay deganaayeen ay dhawaantan ka barakiciyeen daadad ku dhuftay magaalada Hargeysa ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo iyo daryeel la’aan ku heysato duleedka magaalada.
Qoysaskan oo danyar ah ayaa dowladda hoose ee Hargeysa ay ka rartay xaafadihii ay deganaayeen markii daadadkii roobabka ka dhashay ay waxyeeleeyeen.
Weriyaheenna Ilyaas Cabdi Cali ayaa tagay goobaha ay ku sugan yihiin dadkan, wuxuuna warbixintan ku eegayaa xaaladda ay ku jiraan qoysaskan.










