Iyadoo shalay la xusayey maalinta duumada adduunka ee 25-ka April oo sanad kasta la xuso ayaa waxyaabaha ugu badan ee laga hadlo waxay tahay khatarta cudurka duumada oo sidoo kale loo yaqaano malaariyada.
Hal ku dhigga sanadkan ee maalinta duumada ayaa ah ”Diyaar ayaan u nahay in aan ka adkaadno Malaariyada”, hay’adda caafimaadka adduunkana ee WHO waxay dejisay hiigsiga 2030 oo lagu doonaya in 40% hoos loo dhigo cudurka duumada iyo dhimashada ka dhaslata.
Soomaaliya oo kamid ah goobaha la sheego in duumadu ku badan tahay, waxaa shalay laga xusay maalinta cudurka, waxaana la muujiyey ahmiyadda ay leeahay in la xoojiyo dagaalka cudurka lagula jira.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hoos uu u dhac uu ku yimid tirada dadka uu cudurkaku ku dhaco, taasna ay ugu wacan tahay dadaal badan oo la sameeyey oo ay ugu horreysa la dagaallanka kaneecada oo ah waxa cudurka dhaliya. Ku dhawaad 10% ayaa ayuu hoos u dhacay cudurka.
Haddaba xaaladda duumada ee Soomaaliya ayaan ka wareysanay agaasimaha wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ee Soomaalia Dr Cabdullaahi Xaashi, wariyaha Ergo ee Muqdisho, Munasar Maxamed ayaa la kulmay.









