Xerada oo la xiray 31-dii bishii hore ee March laguna balansanaa in qaxootigu ay ka guuraan ayaa waxay caqabad ka haystaa sidii ay u gaari lahaayeen xeryaha kale ee dhadhaab ku yaala iyo Soomaaliya oo dadka qaarkood ay aadi lahaayeen.
Cali Cabdulle oo ka mid ah dadka xerada deggan ayaa radio Ergo u sheegay in dadka qaarkood ay guryo la,aan yihiin kaddib markii ay dumiyeen xilligii ballantu ahayd, welina aaney helin cid ku caawisa in ay gaaraan goobaha ay degi lahaayeen.










