Haddii aan dib ugu laabanno sooyaalka taariikheed ee geela iyo xilliyada horraanta gu’ga, ee uu u baxsado meelaha uu roobku ka da’ayo. Markaas baxsadka geelu wuxuu baadi goobka ku dhibo dadka reer miyiga ama xoololeyda.
Sidoo kale baxsadkaas geela, waxaa laga sameeyaan suugaan. Haddaba Weriyaha Ergo ee magaalada Burco ayaa arrintaas kala sheekeystay Suleymaan Aadan Maxamuud (Geel-dabar) oo ah oday 82 jir ku nool magaalada Burco.






