Magaalada Kismaayo waxaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay kordhay tirada dadka qaba xanuunka HIV/AIDSKA . Sannadkii 2016-kii dadkaas waxay tiro ahaan gaarayeen 11 qof, halka iminka ay ka yihiin 43 qof . Waxaa jira 15 qof oo kale oo markii ay ogaadeen in ay qabaan cudurka diiday in ay qaataan daawada.
Dadkan waxay ka cabanayaan inaanay bulshada ka helin tix gelintii ay u baahnayeen iyagoo bedelkeedana kala kulma faquuq. Axmed Cabdi Toronto weriyaha Raadiyo Ergo ee Kismaayo ayaa ku booqday isbitaalka qaar ka mid ah dadkaas, warbixintan ayuuna innooga soo diray.









