Ilaa shan qof oo qaarkood ay carruur yihiin ayaa u geeriyooday cudurka shuban biyoodka labadii toddobaad ee u dambeeyey magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Cudurka ayaa ka dillaacay magaalada iyo tuulooyinka hoos-yimaado, waxaana hadda u jiifa isbitaalka guud ee Jowhar tiro bukaanno ah.
Halkan ka dhageyso warbixin arrintaas ku saabsan oo ay Jowhar ka soo dirtay weriyaheena Maryan Maxamed Sheekh.









