Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Boqollaal qoys oo biyo la’aan ku hayso duleedka Buuhoodle

Radio Ergo by Radio Ergo
March 1, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan daran oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Photo | Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Biyo la’aan ayay haysataa qoysas ka badan 1,000 oo ku nool deegaanno saddex ah oo ku yaalla waqooyiga Buuhoodle. Bilowgii bishii hore ayaa waxaa istaagay biyo dhaamin ay u sameyn jireen hay’adda Bisha Cas iyo qurbo joogta deegaanka.

Xafiiska hay’adda Bisha Cas ee Buuhoodle oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino sababta keentay in biyo-dhaamintii deeggaanka ay joojiyaan ayaa ka gaabsaday. Laakiin mid kamid ah shaqaalaha hay’adda oo Hargaysa jooga ayaa weriyaha Raadiyo Ergo u sheegay in biyo-dhaamin saddex bilood ah oo bishii Nofeember soo bilaabatay ay wakhtigaas ku ekayd.

Tuulooyinka Sool-joogto, Maygaagle iyo Gocondhaale ayaa horey biyaha uga heli jiray ceelal qodaal ah. Deegaanka Sool-joogto oo ah halka ay ugu badan yihiin dadka biyo la’aantu hayso, ayaa waxaa ku nool 600 oo qoys. Saddexdii sano ee lasoo dhaafay deegaannadaas waxaa ka jiray abaaro soo noq-noqday.

Deegaannadan ayaa biyaha looga keenaa magaalada Buuhoodle oo fogaan ahaan qiyaastii u jirta inta u dhexasya 30-50 km. Qiimaha biyaha ayaa qaali noqday mudadii biyo la’aantu jirtay. Gaariga biyaha qaada ayaa saddex saacadood u socda deegannadaas. Arrintaas oo qaali ka dhigtay  biyaha. deegaannada qaar sida Gocandhaale waxaa fuustada biyaha ah ay ka joogtaa Sosh180,000, halka ay horey uga ahayd Sosh50,000.

Qoysaskan waa xoolo-dhaqato horey ugu cayroobay abaaraha. Bartamihii sannadkii hore ayay soo degeen deegaanka oo ay xilligaas ka heli karayeen biyo.

Cumar Axmed Cabdulaahi oo 45 jir ah, wuxuu ka mid yahay qoysaska degan Maygaagle. Ergo ayuu u sheegay in awoodiisa dhaqaale u saamaxayn inuu meel kale u guuro, si uu qoyskiisa iyo xoolihiisaba biyo ugu raadiyo.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qoys walba uu ku tiirsan yahay dad ehelladooda ah, halka kuwa kalena biyaha ay helaan ay dayn uga qaadanayeen dadka ganacsi ahaan biyaha u keena deegaanka ay ku nool yihiin mudada. Cumar ayaa ka welwelsan sida uu isaga bixin doono lacag  80 doolar ah oo uu dayn ahaan u qaatay.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay biyaha uu carruurtiisa ayuu ii sheegay in uu ka soo qaadanayay qoysas ay deris yihiin oo jirikaamo soo iibsaday. Dayntii hore markii uu bixin waayay hadda ma jirto cid uu dayn kale waydiisto.

Cumar iyo toddobo carruur ah oo uu dhalay ayaan hadda qabin rajo ay biyo ku heli karaan. Xoolihii ay abaarta ka hor dhaqan jireen oo isugu jiray 280 neef oo ari ah iyo 15 geel ah ayaan hadda waxba uga noolayn.

Qoyasaska ay hadda soo food saartay biyo la’aantu ayaa isugu jira xoolo-dhaqato deegaanka usoo barakacay iyo dadkii horey usii deganaa ee iyagu marti geliyay.

Aadan Warsame oo 55 sano jir ah, isaga iyo lix carruur ah oo uu dhalay oo kan ugu yar uu jiro 2 sano. Waxay muddo bil ka badan ay isticmaalayaan dhowr fuusto oo biyo ah oo middiiba laga siiyay Sosh180,000. Wuxuu ka mid yahay qoysaska ku nool Gocondhaale oo dhanka Waqooyi 50 km uga beegan Buuhoodle.

Waxaa uu Ergo u sheegay in xoolo isugu jira 170 ari ah iyo 16 geel ah oo uu abaartii kahor dhaqan jiray uu hadda ka gacmo-maran yahay. Hadda oo biyihii la heli jiray istaageen ayuu Aadan cabsi ka qabaa in dadku  ay harraad u  dhintaan.

Walow deegaanka ay biyo la’aan ka jirto hadana 70 qoys ayaa nasiib u helay in ay raashin isugu jira bariis, bur, sonkor iyo caagad saliid ah ka helaan hay’adda cunnada adduunka ee WFP. Qoysaskan ayaa ah kuwa ugu tamarta yar ee deegannadaas ku soo barakacay.

Previous Post

Gurista webiga Shabeelle oo saameysay beeraleyda Soomaaliyeed

Next Post

Dadka la nool HIV/AIDS oo ka cabanaya faquuq iyo tacaddi

Related Posts

Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo Baydhabo ka hirgaliyay beero nolol xumada ka saaray

September 22, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato kireeya geelooda si ay cunno ugu helaan qoysaskooda

September 19, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween ku jira xerayaha Cadaado oo laga caawiyay ganacsiyo il-dhaqaale u noqday

September 18, 2025
Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Boqollaal qoys oo dayac iyo nolol xumo galay markii ay daad ku hanti beeleen

September 17, 2025
Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa
Cunto-Yaraanta

Muruq-maalka Mudug oo wajahaya nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa

September 16, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Baydhabo: Dhallinyaro ku hungoobay safar tahriib oo isku bahaystay beero falashada

September 15, 2025
Next Post
Dadka qaba xanuunka HIV/AID ee ku nool Kismaayo oo faquuq kala kulmo bulshada

Dadka la nool HIV/AIDS oo ka cabanaya faquuq iyo tacaddi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-SEP-2025

IDAACADDA 23-SEP-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-SEP-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2025
September 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2025
September 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2025
September 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2025
September 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2025
September 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo