Isbitaalka guud ee degmada Beledxaawo ayaa sheegay in cudurka jadeecada ay 3 qof todobaadkaan ugu geeriyoodeen, iyagoo laba ka mid ahi dadkaan ay isbitaalka ku geeriyoodeen, qofka kalena wuxuu ku geeriyooday tuulada Najax oo 20km bari ka xigta degmada.
Isbitaalka ayaa todobaadkaan qaabilay 137 qof qaba xanuunkaan, 67 ka mid ah waxaa laga kala keenay miyiga, halka 70kalena gudaha magaalada laga keenay.
Agaasimaha isbitaalka Aadan Maxamed Cali ayaa Ergo u sheegay in maalin kasta isbitaalka ay imanayaan ugu yaraan 9 qof, waana dad waaweyn iyo carruur ayey isugu jiraan.








