Ku dhowaad 200 oo carruur ah oo nafaqo-xumo ay hayso ayaa lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Kismaayo. Carruurtan waxaa laga keenay meelo ka baxsan magaalada, oo aan lahayn adeeg caafimaad. Abaarta oo saameysay qoysaskii xoolo-dhaqata iyo beeraleyda ayaa xilligaan keentay nafaqo-xumada carruurtaan haysa, sida uu warbixintaan inoogu soo diray weriyaha Ergo ee Kismaayo Axmed Cabdi Toronto.









