Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Isbitaalka Xudur oo saddex sano kaddib si buuxda u howlgalay

admin by admin
January 4, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Isbitaalka Xudur oo saddex sano kaddib si buuxda u howlgalay

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Maamulka Koonfur-galbeed ayaa la wareegay gacan-ku-haynta isbitaalka Xudur oo muddo saddex sano ah ay adeegyadiisu u hakadeen maamul la’aan. Isbitaalka oo toddobaadkii hore uu maamulku geeyay saddex diyaaradood oo dawooyin ah ayaa sidoo kale loo qoray 18 qof oo shaqaale ah oo labo ka tirsan ay yihiin dhaqaatiir qalliinka qaabbilsan.

Muddadaas kooban wuxuu isbitaalku qaabbilay 250 bukaan oo 23 ka tirsan la seexiyay sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Isxaaq Maxamed Nuur oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgaleysa isbitaalka. Bukaannadaas waxaa hayay shuban, mallaariyo, nafaqo-darro, macaan, burukiito iyo dhiigkar. Gobolka oo dhan waa degmada keliya ee leh isbitaal weyn oo sidaan oo kale ah.

Dhaqtarka ayaa xusay in celcelis ahaan ay maalin kasta qaabbilaan dad ka badan 30 qof oo ka kala yimaada deegaanno kala duwan oo gobolka ah. Waa isbitaalka keliya oo lacag la’aan ah ee adeegyo kala duwan laga heli karo gobolka Bakool oo dhan. Waxaa si buuxda u shaqeynaya qeybaha jiifka, bukaan socodka, arrimaha degdegga ah, shaybaarka iyo rugta daawada.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee maamulka Koonfur-galbeed, Isxaaq Maxamuud Mursal ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maamulka ay dhinaca dawada iyo mushaarka shaqaalaha ay ka caawineyso hay’adda Word Vision inta uu ka gaarayo heer isku filnaasho ah oo uu awood u yeelan karo inuu si buuxda oo madax-bannaan ula wareegista isbitaalka.

Wuxuu intaa ku daray in isbitaalka uu daboolay baahi caafimaad oo ka jirtay degmada iyo gobolkaba. Saddexdii bilood ee u dambeysay wuxuu xaqiijiyay in la’aanta daryeel caafimaad ay u dhinteen 30 haween ah oo foolanayay. Waxay isugu jiraan haween dhiigbax u dhintay iyaga oo jooga deegaannadooda oo ay Xudur ku jirto iyo kuwo dhintay xilli loo qaadi lahaa Muqdisho iyo Baydhabo.

Faadumo Cabdullaahi Xasan waxaa iyadoo miyir daboolan daawayn loo geeyay isbitaalka 30-kii Diseembar. Waxaa laga soo qaaday tuulada Banjinaay oo 15 km bari kaga beegan Xudur. Muddo saddex bilood ah ayay u jiiftay xanuun feeraha ka hayay. Waxay dhaqaatiirtu u sheegeen inay sababtu tahay burikiito ku xumaatay. Ma aysan awoodin dhaqaale ay daryeel caafimaad ugu raadsato meelo ka baxsan Xudur.

Waxay tilmaantay in caafimaadkeeda uu hadda soo hagaagayo, kaddib markii ay isbitaalka ka heshay adeegyo caafimaad. Maalin kasta waxay qaadataa irbado iyo faleembooyin.

Diyaaradaha oo ah gaadiidka ugu sahlan amni ahaanna la isku halleyn karo waxay Baydhabo oo u jirta 155 km ay ku tagaan $150. Halka magaalada Muqdishona ay ka tahay $250. Taas oo ku adag dadkan oo intooda badan abaarta ku xoolo beelay. Degmada oo weli ay saameyneyso xayiraadda saddex sano jirsatay ee Al-Shabaab ayaa mararka qaar si dhuumaaleysi ah looga safraa iyadoo la adeegsanayo gawaari kiro ah oo qaata $40 ilaa $50.

Maxamed Cabdi Xasan oo bishii Luulyo ee sanadkan adeegyo caafimaad u doontay magaalada Baydhabo si uu kaalmaati ugu helo cudurka macaanka oo haya ayaa sheegay inay ka baxday $600, laakiin uu hadda ku faraxsan yahay dib-u-howlgelinta isbitaalka Xudur.

Mudadii todobaadka ahayd ee isbitaalku dib u shaqo bilaabay adeegyada uu qabtay waxaa ka mid ah haweenay cunug mayd ah laga soo saaray iyo mid kale oo dhiig baxday oo iyada iyo cunuggeediiba la badbaadiyay. Kiisaskaas oo ka mid ah kuwa ay dadku ku qasbanaayeen inay u aadaan Muqdisho iyo Baydhabo.

 

Previous Post

Qiimaha xoolaha

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Gobaad

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Gobaad

Dhegeyso Barnaamijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo