Gobollada Galmudug oo saddex sano abaar ahaa, waxaa xiligii dayrta ay heleen roobab, inkastoo xoolihii dadka noloshoodu ku tirisanaayeen ay badi abaartii ku dhamaadeen.
Haddaba waxaa maanta marti inoogu ah studiyaha Ergo ee Nairobi Cismaan Sulaymaan Yuusuf oo ah madaxa hay’adda ICRC ee Galmudug, Maxamed Xasan ayuu u waramay, wuxuuna marka hore weydiiyey bal sida roobabkii dayrta ku ahaayeen deegaannada Galmudug.










