Afar tuulo oo hoostga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayuu muddo labaatan maalmood ah ka jiraa cudurka shuban biyoodka. 73 qof oo cudurku ku dhacay ayaa adeeg caafimaad loogu sameeyay isbitaalka degmada Ceelwaaq. Dhegeyso warbixin uu arrintaas ka soo diyaariyay weriyaha Ergo ee Baardheere Axmed Cumar Saalixi.










