Isbitaalka kaliya ee degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, ayay ka jirtaa daawo yaraan muddo labo sano ah, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka, Mustaf Xuseen Cabdulle.
Isbtitaalka hadda waxaa jiifo bukaanno laga daweynayo jadeeco iyo malaariyo, xilligaan ka jiro deegaannada hoostaga degmada. Wuxuu sidoo kale bixiyaa daeegyada caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka, gaar ahaan dhalmada.
Waxaan arrimahaas agaasimaha isbitaalka ka wareysatay Waris Maxamed.










