Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Iskuullo ku yaalla Gaalkacyo oo waxbarasho bilaash ah siinaya carruurta qoysaska soo barakacay

admin by admin
November 14, 2017
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Iskuullo ku yaalla Gaalkacyo oo waxbarasho bilaash ah siinaya carruurta qoysaska soo barakacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Afar iskuul oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa labadii bil ee u dambeysay billaabay inay waxbarasho lacag la’aan ah siiyaan carruurta qoysaska ka soo barakacay abaarta. Fursaddaas waxaa ilaa hadda ka faa’ideystay 135 carruur ah oo 45 ay gabdho yihiin oo ay da’oodu u dhaxeyso 7 jir ilaa 13 jir, kuwaas oo ay dhamaantood tahay markii ugu horreysay oo ay iskuullo tagaan.

Dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Cabdullaahi Ciise, Waaberi, Mudug iyo Al-Shacab oo ardayda deegaanka uu qofkiiba ku dhigto $10 ayaa kulan ay maamulladooda yeesheen waxay saddex bilood ka hor ku go’aansaday inay si lacag la’aan ah wax ku baraan carruurtan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdicasiis Aadan oo ah maamulaha dugsiga Al-Shacab.

Maamulka degmada ee koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in 4,000 oo qoys oo ku xoolo beelay abaarta ku dhufatay miyiga gobolka Mudug ay degeen xeryo lagu barakacay oo ku yaalla Gaalkacyo, qaarna ay dulsaar ku yihiin eheladooda oo guryo ku leh magaalada.

Cabdicasiis ayaa tilmaamay in dugsiga uu maamulaha ka yahay ay ku biirtay 67 ardaydaas ka tirsan oo 21 ay gabdho yihiin. Labo hab ayuu xusay inay ugu suuragasho qorista ardayda, mid waa wacyigelin ay sameeyaan guddi arday ah oo taga xeryaha iyo tan kale oo ah in ardayda ay maamulka ku soo wargeliyaan haddii ay jiraan dad qaraabo la ah oo abaarta ka soo barakacay, kuwaas oo carruurtooda aanay waxbarasho haysan.

Ismaaciil Maxamed oo dadka soo barakacay ka mid ah ayaa isagoo fursaddan ka faa’ideysanaya waxbarasho geeyay saddex gabdhood iyo labo wiil oo ka tirsan carruurtiisa oo sagaal ah. Aabbahan oo ay abaarta ka dishay dhamaan xoolihii uu dhaqanayay oo ahaa 170 ari ahaa ayaa billowgii sanadkii hore ka soo barakacay deegaanka Bitaale oo Gaalkacyo u jira 40 km.

Wuxuu ku faraxsan yahay in uu waxbarasho bilaash ah u helay carruurtiisa, maxaa yeelay ma uusan awoodeen in uu kulligood waxbarasho lacag ah ka bixiyo. Wax shaqo ah ma hayo, qoyskiisuna wuxuu la deggan yahay dad ay qaraabo yihiin oo hoyga iyo cuntada ay la wadaagaan. Wuxuu ku hamminayaa inuu barto farsamada gacanta si uu ugu shaqeysto, maaddaama uusan rajo dambe ka qabin inuu dib ugu noqdo miyiga.

Maamulaha Al-Shacab ayaa sheegay in ay weli wadaan olole ay ku dhiirrigelinayaan reer miyiga soo barakacay si carruurtooda waxbarashada gaartay ay u geeyaan dugsiyada. Wuxuu xusay in aysan jirin fasallo gaar ah oo loo abaabulay ardayda balse lagu dhex daray fasalladii horey u jiray.

Fahmo Xuseen oo ah hooyo 50 jir ah oo lix carruur ah kala soo barakacday miyiga deegaanka Kaxandhaale oo Gaalkacyo u jira 130 km ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in uu walwal ka haystay waxbarasho la’aanta carruurta laakiin ay hadda rajo fiican u abuurtay fursad waxbarasho oo labo bilood ka hor ay ka heshay dugsiga Cabdullaahi Ciise. Labo gabdhood oo ay dhashay oo sagaal jir iyo 13 jir kala ah ayaa markii ugu horreysay wax u barata.

Hooyadan oo deggan xerada Hayaan ee duleedka Gaalkacyo ayaa soo barakacday markii ay abaarta uga dhinteen 240 ari ahaa oo ay ku tiirsaneyd nolosha qoyskeeda. Laakiin hadda waxay ku tiirsan tahay kaalmo ay ka hesho eheladeeda oo magaalada uga soo horreeyay, kuwaas oo ka taageera raashinka, dharka iskuulka iyo buugaagta ardayda ay wax ku bartaan.

Jibriil Cismaan Cilmi

Gaalkacayo

Previous Post

Iskuulo waxbarasho bilaash ah ugu deeqay caruurta dadka kasoo barakacay abaaraha

Next Post

200 oo qof oo dib u billaabay tacbashada beero ay ku leeyihiin tuulooyin ka tirsan Jowhar

Related Posts

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Xaalad quus ah oo ka dhalatay roob la’aanta ka sii daraysa ee haysa qoysas ku nool Bari

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan qof oo dhibaato nolol xumo ku wajahaya  deegaannada Koonfur-galbeed

January 29, 2026
Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo nolol xumo kaga baxay tacabka dhulka oo ay ku dhiiradeen

January 28, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
Next Post
DHEGEYSO BARNAAMIJKA CODKA DHEGEYSTAHA

200 oo qof oo dib u billaabay tacbashada beero ay ku leeyihiin tuulooyin ka tirsan Jowhar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-FEB-2026

IDAACADDA 03-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-FEB-2026
February 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-FEB-2026
February 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JAN-2026
January 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo