Tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waa dhul dadka deggan ay noloshooda ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha ku baxa roobka, laakiin sanad iyo bar oo wax roob ah uusan halkaas ka da’in dadku waxba maysan tacban, taas waxay ku khasabtay in qoysas badan ay ku biiraan kaamamka lagu barakacay ee Jowhar.
Dadki abaartu soo barakicisay hadda waxay ib ugu laabteen tuulooyinkoodii, waxayna billaabeen tacbashada beerahooda. Sida ay warbixintaan noogu soo dirtay Maryan Sheekh Cabdi.










