Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dad abaarta ka soo barakacay oo ku nool kalluun ay ka dawarsadaan xeebta Hobyo

admin by admin
November 2, 2017
in Wararkii u Danbeeyay
0
QIIMAHA KALUUNKA OO KOR U KACAY MUQDISHO

RadioErgo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Saddex boqol oo qoys oo ka barakacay abaaro ka jira deeegaannada miyiga ah ee Xarar-dheere, Ceeldibir, Ceelcadde, Khayr-qabe, Saqiiro iyo Sugulle oo ka wada tirsan koonfurta gobolka Mudug ayaa afartii toddobaad ee la soo dhaafay deegaamaystay afar kaam oo ku yaalla deleedka degmada Hobyo.

Dadka ku nool degmada Hobyo ayay noloshoodu ku tiirsan tahay kalluumaysiga, waxaana dadka ay abaartu soo barakicisay oo aan lahayn xirafadda jillaabashada ay noloshu ku khasabtay in ay xeebta ka  dawarsadaan kalluunka si ay maalintaas u quutaan.

Dadkaas waxaa ka mid ah Xiis Maxamed Jimcaale, oo leh qoys 9 qof ka kooban, kana soo barakacay miyiga Sugulle oo 28 km u jira Hobyo. Isaga iyo labo wiil oo uu dhalay ayaa subax walba taga xeebta. Ma yaqaannaan sida loo kalluumeysto waa xoolo-dhaqato, laakiin kalluumeysatada oo ay dawarsadaan ayaa mararka qaar soo siiya xabbad kalluun ah.

Deegaannada ay dadkan ka yimaadeen oo saddexdii sano ee u dambeysay aan helin roob fiican waxaa ka jirta abaar sababtay in dadka iyo duunyada ay waayaan wax ay cunaan. “Markii aan nafta u yaabnay ayaan Hobyo soo qabannay. Haddii aad biyo heleyso waa naruuro. Biyaha ayaan hadda si fiican u helnaa,” ayuu yiri Xiis.

Isaga iyo qoysaska kale ee soo barakacay ayaa biyaha ka dhaansada ceel hal km u jira xeryaha ay deggan yihiin. Ceelka bilaash ayay uga cabaan iyaga iyo dadka deegaankaba.

Xiis oo 60 jir ah wuxuu Hobyo ula soo barakacay 13 ari ah oo uga hartay xoolihiisa oo dhamaa 300 oo neef. Intii kale abaarta ayaa dishay sagaalkii bil ee u dambeysay.

Qoysaska ay abaartu cayrtaysay ee ka quustay nolosha miyiga waxaa ka mid ah Xabiibo Cabdulle oo haysata 8 caruur ah oo agoon ah. Labo toddobaad ayay joogtaa Hobyo, waxayna ka soo barakacday miyiga u dhexeeya Hobyo iyo Xarar-dheere oo halka ay hadda joogto u jira 37 km qiyaastii. 200 oo neef oo ari ah iyo awr reerku lahaa ayay ku waayeen abaarta. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in gaari kuwa rakaabka ah ay dayn ku soo raaceen.

Bac ay maamulka deegaanka ugu deeqeen oo ay geed dul-saaratay ayaa iyada iyo carruurteeda hoy u ah. Laakiin waa mid aan awood u lahayn inay ka celiso haddii uu roob yimaado, waxaana lagu jiraa xilliga deyrnta inkastoo aanu weli roob ka di’in meesha ay joogto. Hase yeeshee, waxay ka walwalsan tahay sida ay raashin ku heli doonto maalmaha soo socda, maaddaama ay ka sii dhamaanayaan toban toban kiilo oo bariis iyo bur ah oo ay dad qaraabadeeda ugu deeqeen markii ay timid. Hobyo kama taqaanno cid ay wax ka deysan karto.

Xaliimo malaha xirfad ay ku shaqeysato ama mid kalluumaysi toona, mana muujinayso rajo ah in mar kale ay ku noqoto noloshii miyiga. Xoolaheedii oo dhan abaarta ayaa dishay.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Hobyo, Maxamed Maxamuud Cawaale ayaa sheegay in maamulku uu wado dedaalo dadka ay abaaruhu soo barakiciyeen lagu barayo xirfado ay ku shaqeystaan sida kalluumaysiga. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in toddobaadkan ay codsi u direen hay’ado ay WFP ka mid tahay, si looga caawiyo tababaro kalluumaysi.

Jibriil Cismaan Cilmi

Previous Post

XOOLALLEYDA TOGDHEER OO XAALAD ADAG KU JIRA

Next Post

Dhegeyso barnaamijka Ogaal oo looga hadlo arrimaha abaaraha

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
DHEGEYSO BARNAAMIJKA CODKA DHEGEYSTAHA

Dhegeyso barnaamijka Ogaal oo looga hadlo arrimaha abaaraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo