Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo

Dadka ku barakacay xeryaha Muqdisho oo ka cabanaya gargaar leexsasho

admin by admin
October 11, 2017
in Wararkii u Danbeeyay
0
Koox hubaysan oo dadka barakacayaasha ah xoog uga saaraya xeryaha Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qoyska Ambiyo* iyo kuwa la midka ah rajo aad u weyn ayaa gashay markii bishii Agoosto ee sanadkan teendho ku dhex taalla xerada ay deggan yihiin lagu dejiyay raashin gargaar ah oo saarnaa saddex gaari. Way faraxsanaayeen maaddaama ay taas u arkayeen fursad ay uga bixi karaan xaaladda cunto-yari ee haysata. Laakiin sida ay sheegtay maalin kaddib raashinkaas oo isugu jiray bur, bariis iyo sokor waxaa dib loogu raray gawaari kale oo ay keensadeen horjoogeyaasha xerada, lamana siin dadkii loogu talagalay ee u baahnaa.

Hooyadan oo haysata saddex gabdho ah waxay deggan tahay xerada Daryeel oo ku taalla degmada Kaxda ee Muqdisho. Xeradan oo ay ku nool yihiin kun qoys oo ka soo barakacay abaaraha waa tan keliya ee uu maamulo maamulka gobolka Banaadir. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay tahay markii saddexaad tan iyo markii ay xeradaas ku biirtay Agoosto 2016 oo sidaas oo kale loo leexsanayo cunto gargaar ah oo loogu talagalay dadka soo barakacay. Falkaas waxay ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin saddex ka tirsan horjoogeyaasha xerada.

Ambiyo ayaa xustay in cabsi ay ka qabaan horjoogeyaasha raashinka leexsanaya darteed ay dadka soo barakacay uga cabsanayaan ka hadlidda dhibaatadan.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa ka mid ah meelaha uu raashinkan ka yimaado. Iyaga toos ugama qeybiyaan xeryaha, laakiin waxay u sii marsiiyaan maamulka gobolka Banaadir. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiyaha guddiga ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu maqlay boob in lagu hayo dadka soo barakacay iyo cabashada la xiriirta lunsashada kaalmooyinka. Dad uu Sheekha ku qiyaasay 15,000 oo qoys oo ku barakacay xeryo kala duwan oo ku yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda ayay haysataa dhibaatadan is-dabamarinta gargaarka.

“Waxaan aniga aad ula yaabay in qof aad ku garanaysay magaalada uu kaa soo waco xero, isagoo ku dhahaya ‘kaam ayaan horjooge ka ahay, mana la gaarsiin gargaar’. Maxaa kaa galay? Marka aad waydiisana wuxuu kugu jawaabayaa ‘nolol baan ka raadinayaa meeshaas’. Marka waxaa iska cad in dadka soo barakacay la dhacayo, dhibna ay qabaan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Caasha* oo ah hooyo haysata saddex gabdhood iyo wiil, kana soo barakacday degmada Waajid ee gobolka Bakool, markii ay abaartu ka dishay 25 lo’ ahaa ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay dhowr jeer isku dayday inay ka guurto xerada Daryeel, balse ay waysay xero kale oo ay degto. Guuriska ayaa ku dhalatay markii saddex ka tirsan horjoogeyaasha ay handadeen xilli ay isku dayeysay inay ka cabato raashin iyada loo qorsheeyay oo kala bar ay ka qaateen. Saddex loor oo bariis, sokor iyo bur ah oo qoyskeeda uu lahaa ayay xustay in laga oo keliya min 25 kg.

Waxay aaminsan tahay in dhibaatadan looga bixi karo oo keliya inay dowladdu isbeddel ku sameyso hoggaanka xerada. Sheekh Nuur Baaruud ayaa dhankiisa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya ay u gudbiyeen cabashada dadka, isla markaana ay iyagu yihiin cidda keliya ee wax ka qaban karta.

Magacyada haweenka waan beddelnay ammaankooda awgiis*

Previous Post

Matabaan: Halkan ka dhegeyso wareysi aan la yeelanay Farxaan oo ka mid xoolo dhaqatada Gurijir oo ay saamayn ku yeelatay abaarta

Next Post

Halkan ka dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Related Posts

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

May 19, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news
Wararkii u Danbeeyay

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

May 17, 2022
Food delivery
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

May 16, 2022
BARNAAMIJKA TACAB
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda gobolka Hiiraan oo quus ka taagan tacbashada beerahooda

May 13, 2022
Houses in Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

May 12, 2022
Biyo, Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

May 11, 2022
Next Post

Halkan ka dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo