Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dad cudurka Jadeecada ugu dhintay gobolka Bakool

admin by admin
October 12, 2017
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dad cudurka Jadeecada ugu dhintay gobolka Bakool

Photo | sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Todobo caruur ah ayaa cudurka Jadeecada ugu geeriyooday degmada Waajid ee gobolka Bakool todobaadkii hore, 52 kalena waa ay la xanuunsanyihiin, siday noo xaqiijiyeen saraakiil caafimaad oo ka socotey wasaarada caafimaadka  maamulka Koonfur Galbeed oo dhowaaa booqasho ku tegay degmada Waajid.

Mukhtaar Axmed Xasan waa mada xarunta caafimaad ee Garedo ee degmada Waajid, wuxuu sheegey in si xowli ah jadeecada xeryaha dadka barakacay iyo xaafadaha u wada saameysey.

4 kamid ah caruurta waxaa ay Jadeecada ugu geeriyooodeen xeryaha barkacayaasha ee ku yaalla Waajid. Dhammaan caruurta geeriyootay waxaa ay ka yaryihiin 5 sano. Bukaanka xanuunka la jiifa waa caruur marka laga reebo 4 qof oo dad wayn ah. Cudurka Jadeecada ayaa si aad ugu dhex faafaya xeryaha dadka soo bakaracay ee degmada ku yaalla oo lagu qiyaasay inay ku noolyihiin 4 kun oo qof.

Xaliimo Cali C/raxmaan oo ku nool xerada Tawakal waxay Radio Ergo u sheegtay in labo kamid ah caruurteeda oo 4 ilaa 7 sano kala jira ay la jiifaan cudurka Jadeecada

Xaliimo oo kasoo barakacday tuulada Ceel-dhanaan oo Waajid galbeedka uga beegan 48Km. Waligood caruurteeda oo 6 ah lama tallaalin, si lamid ah boqolaal kale ee caruurta ee ku nool xeryaha qoysaska abaaraha kasoo barkacay ee degmada Waajid.

“Qandhadu kala go’a malahan,afka waa ka gaduutey,korka oo dhan Finan ayaa kusoo baxay,si kale aan yeelo malahan Xerada dhaxdeda ayaa ku hayaa biyo ayaa marooyin uga qooyaa markasta”.

Deegaanku malaha xarrumo caafimaad oo wax ka qaban kara cudurka, laakiinse waxaa ku yaalla dhowr MCH oo iyagu quudiya dadka ay nafaqa darradu hayso ama siiya talooyin bukaannada kale ee yimaada xarumohooda.

Dadkaas waxay u badanyihiin kuwo kasoo bakaracay abaaro ka jira dhulka miyiga ah ee ku dhow degmada. Tallaalka ka hortaga cudurada caruurta oo uu kamid yahay kan Jadeecada ayaan horay deegaankaas looga fulin.

Jadeecada ayaa caruurta soo ridayanaysay ilaa bartimihii bishii hore ee September. Intooda badana waxaa lagu hayaa xeryaha dhexdooda, maadaama uusan jirin isbitaal weyn oo daryeelka caafimaad ee bukaannadu u baahanyihiin bixin kara. Isbitaalkii ugu waynaa ee degmada ayaa loo bedelay xarun ciidan.

Waalidiinta qaar ii sheegeen ay kula tacaalaan dawo dhaqameedyo, waxayna ilmaha seexiyaan geed hoostiis iyaga oo dusha ka saara maro mar walba la qoynayo, iyaga oo indhaha kaga shuba caano ari marna cabsiiya.

Doowlaay Sheekh Iiman Waxa Ergo uga warameysaa sida Daawo dhaqameedka Ilamaha Jadeecada haleeshey uga daaweeyaan iyo waxaa ay u istacmaalan waxaa ay yihiin.

“Aniga waligey waxan is ticmali jirey dawo dhaqamedka hada aan u isticmalo badana waa noogu fiicnadan waxan isticmalnaa canaha aniga oo indhaha looga shubo sido kalena cabsiino waxan kale ku dadaalna in marooyin loo qooyo Korka ka saarno sido kale sagaarada dhiigeda waa marinaa ”

Howl wadaneeda caafimaadku waxay faafitaanka cudurkan la xiriirinayaan, caruurta tirada badan ee qoysaska soo barakacay ee hal meel isugu yimi iyagoo badidood horey looga tallaalin jeedacada iyo cudurada kale ee lamidka ah. Sidoo nadaafad darrida ka jirta xeryaha ayaa qayb ka ah faafitaanka cudurka.

Aadan Cali Kuulow waa horjoogaha xerada barakacayaasha ee Ceelboon. Caruurtiisa oo sided ah sadex kamid ah waxaa soo ritay cudurka Jadeecada, wuxuuna Ergo u sheegay in celis celis ahaan maalintii ilaa todobo caruur ah uu ku dhaco cudurku.

“Qofkii ugu horreeyay jadeecada ku dhacdo 21 September ilaa hada waa sii kordheysaa sedexda xero waa wada gaartey,maalintii shan ilaa todobo hor leh waa soo ridaneysaa, isbitaal ma leh caafimaadka baahi ayaa u qabnaa,jadeecada ka sakow ilmaha nafaqa daro ayaa horey ugu dhacday iyo xanuuno kale, noloshoodana waa iska liidataa”.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Waajid Cadow C/raxmaan Jugle oo Ergo u waramay ayaa sheegay in ogaalkooda Jadeecada xeriyaha barakacyaasha iyo xaafadaha magaalada ka wada jirto.

“Annaga wax weyn xaaladan nolsha barakacyaasha iyo caafimaad ka qaban karno ma jirto,dadka xoolaley iyo beeraley ayay ahaayen abaarbaa deeganka dhan saameysey, magaaladu waa meel xir xiran oo diyaarad keliya iney timaado u furan,marka hay’addaha caafimaadka iyo gargarka bixino in aan la hadalno ayaa keliya sameyn karnaa taasna marar badan ayaa ku cel-celiney kamana daaleyno”.

Bishii April 2016-kii ayaa ugu danbeysey Olole Talaalka Jadeecada laga fuliyo Magaalada Waajid ee Gobalka Bakool,Saraakiisha caafimaadka MCH-ka waajid oo aan weydiiyey ilaa mudadaas sababta Talaal Jadeecada loo sameyn waayey waxay ku sheegeen in Hay’adihii ay ka sugayeen wax Olole kale ah kusoo war gelin.

Previous Post

Waraysi aan la yeelanay takhtar dhinaca xoolaha ah

Next Post

Dadka xanuunka HIV/AIDs ka la nool oo sheegaya in la takooro

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Dadka xanuunka HIV/AIDs ka la nool oo sheegaya in la takooro

Dadka xanuunka HIV/AIDs ka la nool oo sheegaya in la takooro

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo