
Bashiiro: Aniga markii aan ahaa fasalka 8daad ayaa waxaa isoo galay hammi guur.
Caqabado kala duwan ayaa gabdhaha Soomaliyeed ka hor-istaaga inay waxbarashada u helaan si la mid ah tan wiilasha, isla markaasna ay meel fiican ka gaaraan waxbarashadooda, waxaa jira arrimo qeyb ka ah inaan gabadha iyo wiilka waalidiinta qaarkood u simin waxbarashada, waxaana ka mida h saboolnimada, gabdhaha oo lagula degdego guurka iyo dhaqanka Soomaalida oo aan dhiirrigelin waxbarashada gabdhaha kaasoo u diidaya inay si siman wax ubartaan wiilka iyo gabadhaba.
Bashiiro Maxamed Cismaan waa gabadha waxbarashadeedii uga hartay guur waxayna ka warramaysaa dhibaatooyinka ay waayo aragga u tahay ee gabadhaha ka haysta waxbarashada, waxayna tiri “Dhaqanka dadka Soomaalidu maahan mid dhiirrigalinaya waxbarashada, aniga markii aan ahaa fasalka 8daad ayaa waxaa isoo galay hammi guur, waxaan isku dayey inaan kala leexsho waxbarashada iyo guurkii, laakiin waxay aakhirkii sababtay inaan ka haro waxbarashadeydii.” Ayay tiri Bashiiro.
Maxamed Cabdi faarax (Garweyne) wuxuu muddo dhan 36 sanadood shaqooyin kala duwan kasoo qabtay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta Soomaliya, haddana waa guddoomiyaha waxbarashada degmada Gaalkacyo ee Puntland, wuxuuna raadiyo Ergo uga warramay carqaladaha gabdhaha Soomaliyed ka haysta waxbarashada.
“Waxaan u soo joogay caqabado fara badan oo haysta gabdhaha Soomaliyeed, waxaa jira caqabado iskugu jira kuwo waqtigu ku riday, kuwo iyagu isku riday iyo kuwo waalidku ku riday, guriga inay uga dambeeyaan hooyadu way rabtaa, wiilasha haddii ay waxbarashada u raacdo markay timaddo waxay ka shaqeynaysaa guriga halka wiilku uu nasanayo, dadka Soomaaliyeed waa dad sabool u badan waxbarashadiina waxay noqotay lacag.” Ayuu yiri.
Marka laga eego u sinnaanta waxbarashada wiilsha iyo gabdhaha ayaa waalidiinta qaarkood waxay doorbidaan inay wiilka waxbarashadiisa awoodda saaraan halka gabadhana lagu cadaadsho shaqada guriga iwm. Haddiiba iskuul la geeyo gabadha Soomaaliyeed ma ahan mid ay heer ka gaadho inta badan, sababtoo ah markii ay gaadho da`da qaan-gaarka ayaa nin lagu daraa, waxaana halkaas ku burbura himiladii waxbarasho ee gabadha.
Xaawo Yusuf Axmed waaa madaxa waxbarashada xarunta horumarinta waxbarashada Gaalkacyo, waxayna ka warramaysaa dhibaatooyinka gabdhaha ka haysta waxbarashada, “Maashkilka waxaa ka mid ah gabdhaha oo looba arko mid nolosheedu ku egtahay shaqada guriga kaliya oo la dhahayo dhariga kari ilmahana xanbaar, sidaas bayna ku niyad jabtaa ama waxay ku keentaa inay ku degdegto guur.”
Burhaan Cadeysay/FM/AM









