Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal ka cabanaya gargaar laga lunsaday

admin by admin
October 10, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dawladda Soomaaliya oo dardar gelinaysa rarista barakacayaasha Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ku dhowaad dad lagu qiyaasay 15,000 oo qoys oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho ayaa ka cabanaya inaaney sidii loo baahnaa u helin deeqaha gargaarka ee loogu tala galay. Dadka ayaa ku eedaynaya horjoogayaasha xeryaha iney masuul ka yihiin lunsashada gargaarka.

Maamo Ambiyo oo aan ahayn magaceeda saxda ah waa hooyo haysata saddex gabdho ah, waxay ku jirtaa xerada Daryeel oo ay ku biirtay bishii 8-aad ee sanadkii 2016-kii, waxaana xerada ku nool kun qoys oo barakacayaal ah. Waxay ku taalaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho waana xerada keliya ee dawladda Soomaaliya maamusho. Radio Ergo ayay u sheegtay in tan iyo markii ay timi xerada tiro saddex jeer la leexsaday gargaar raashin ah oo loogu tala galay dadka xerada ku jira. Saddex kamid ah horjoogayaasha xerada ayayna sheegtay in ay tallaabadaas ka danbeeyeen.

“Saddex gaari oo ay ku raran yihiin raashin sida Bur, Bariis iyo Sonkor ayaa lagu dajiyay teendho loogu talagalay in raashinka la dhigo, aad ayaan u faraxsanayn waqtigaas oo aad xaaladu noogu adkayd laakin maalin kadib oon moodnay in raashinka la qaybinayo waxaan ka warhelnay in dib loogu rarayo gawaari kale oo ay keensadeen horjoogayaasha sidaasna ay raashinkii ku qaateen”ayay tiri.

Maamo Ambiyo iyo qoyskeeda waxaa gargaar laga leexsaday ugu danbaysay bishii lasoo dhaafay ee Agoosto.  Waxayna Ergo u sheegtay in sababta ay uga aamusanyihiin dhibaatada haysata tahay cabsi ay ka qabaan ragga horjoogayaasha ah.

Canab Nuur Maxamed oo haysata saddex gabdhood iyo wiil ayaa xerada Daryeel ee Muqdisho ku biirtay bishii 10-aad ee 2016-kii, kadib markii 25 neef oo lo’ ah ay abaartu ka dhisay, wakhtigaas oo ay ku sugnayd degmada Waajid ee gobolka Bakool. Tan iyo markii ay xerada timi waxay sheegtay in sadex jeer gargaar la keenay, isla markaana aanay nasiib u yeelan inay wax ka hesho.

Deeqda koowaad ayay sheegtay in la keenay bishii 10-aad shan iyo tobankeedii, taasi oo ay tilmaamtay in ay qaateen horjoogayaasha xerada oo u sheegay barakacayaasha in loo maamuli doono raashinkana loo karin doono. Wixii markaas ka danbeeyeyna aanay dib u arag. Deeqdii xigtay ayay sheegtay in la keenay bishii November afarteedii, taasi oo ay koox hubaysan xilli habeenimo ah ka rarteen teendho horay loo dhigay. Gargaarkii sadexaad ayay sheegtay in sanadkan la geeyey xerada kaasi oo isugu jiray 3 loor oo Bur, Bariis iyo Sonkor. Hooyo Ambiyo ayaa sheegtay in deeqdaas bar kamid ah ka qaateen saddex nin oo horjoogayaasha xerada ka tirsan.

“Markii intaan oo dhib ah ay dhaceen waxaan isku dayay inaan la hadlo horjoogayaasha laakiinse way i handadeen, wixii markaas ka dambeeyey waxaan qorshaystay inaan xerada ka guuro laakiin waan waaway meel kale oo aan dego”… Ayay tiri, waxayna intaas ku dartay in dhibaatadan sida looga bixi karo ay tahay iyadoo dowladdu isbadal ku samayso hoggaanka xeradan.

Maxamuud Shiikh oo kamid ah masuuliyiinta xerada Daryeel ayaa iska fogeeyey eedahaas, wuxuuna ku tilmaamay beer abuur “Annaga dadka waxii loogu talagalay ee loo keeno si sax ah ayaan ugu qaybinaa mana ku samayno wax xadgudub ah , tan iyo intii ay yimaadeen raashinkii gargaar ee la keenay sidooda ayaan gacanta uga saarnay”ayuu yiri.

Ma ahan xeradan oo keliya meelaha ay barakacayaashu dhibaatada ka sheeganayaan. Xerada Iskaashi waxay kamid tahay meelaha loo barakacay ee ku yaalla duleedka Muqidho, waxaa hoos taga ilaa 4 xero oo kale oo midkiiba ay ku noolyihiin kun qoys. Muxsino Axmed Macallin oo dadkaas kamid ah waa hooyo haysata laba gabdhood iyo wiil oo aabohood geeriyooday. Xeradan ayay ku biirtay muddo laga joogo shan bilood.

Waxay sheegtay in deeqaha ay helaan qayb kamid ah ay la haraan horjoogayaashu “Annaga boqolkiiba boqol wax nasoo gaara ma leh. cuntada qeyb ayey soo reebtaan kadibna inta kale ayey noo keenaan”. Ayay tiri.

Guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa sheegay in walaac badan ka qabaan horjoogayaasha xeryaha ee leexsanaya gargaarka. waxaana guddigu uu tilmaamay inay xog baaris ku samaynayaan arrimahan sharci darrada ah ee ay ku kacayaan horjoogayashu.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan gudoomiyaha gudiga qaran ee abaaraha ayaa tilmaamay inay jirto cabasho ku aadan in barakacayaasha laga dhaco deeqaha loogu tala galay, wuxuuna Radio Ergo u sheegay

“Tan iyo inta howsha gargaar aan ku lug yeeshay cabashadu waa ay jirtay, waxaan anigu aad ula yaabay ayaa ah in qof aad ku garanaysay magaalada uu kaa soo Waco xero isagoo ku leh kaam ayaan horjooge ka ahay mana la gaarsiin gargaar oo maxaa kaa galay markaa ku dhahdana ku dhahaya nolol baan ka raadinayaa, meeshaas waxaa marka ka cad in dadka barakacayaasha la dhacayo dhibna ay qabaan”.

Previous Post

IDAACADDA TALAADO-10-Oct, 2017

Next Post

Dad cudurka Jadeecada ugu dhintay gobolka Bakool

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
XARUNTA QAAXADA BURTINLE OO HAY`AD CUSUB AY LA WAREEGTAY

Dad cudurka Jadeecada ugu dhintay gobolka Bakool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo