Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadka deggan jasiiradaha koonfureed ee Jubbada Hoose oo dagaalladu saameeyeen

admin by admin
August 29, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dagaallada ka taagan muddooyinkaan dambe deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxay saameyeen nolosha iyo adeegyadii guud ee bulshada ku nool deegaannada galbeed ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana ka mid ah inay dagaalladu hakad geliyeen dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga iyo shaqooyinkii ay dadku qaban jireen, oo sidoo kale gabi ahaanba istaagay.

Dhulka ay saameynta ugu daran ku yeesheen waxaa ka mid ah dhulka koonfur galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana dadka ku nool deegaannada Jaziiradaha Kudhaa, Buurgaabo, Madhaba iyo Raaskaambooni ay muujinayaan cabashooyin ballaaran taasoo ah in dhinacyada ku dagaallamaya ama isku hor fadhiya deegaannadaasi ay gebi ahaanba sababeen inay istaagaan hawlihii jillaabasho, ganacsi iyo socodkii dadka.

“Xaaladda deegaanka aad ayey halis u tahay, maxaa yeelay ayadoo laga baxay abaartii la soo maray oo la is lahaa dhibaatadii waa laga baxay, ayaa haddana waxaa nala soo darsay dagaallo iyo colaado, dhanka badda iyo barriga waa nalaga fadhiyaa, dhiilada deegaannadaasi ka jirta saameyn ayey dadka ku yeesheen.”,sidaasi waxaa raadiyo Ergo u sheegay Garaad Axmed Cali Isaaq oo ka mid ah odayaasha deegaanka.”

Waxaa sidoo kale hakad galay oo istaagay howlihii jillaabashada kalluunka ee deegaanka, waxaana dadka deegaanku ay arrintaasi ku micneeyeen maraakiibta ilaalada ka haya xeebaha dalka Soomaaliya oo isugu jira kuwo ay leedahay Kenya iyo kuwo waddamo kale oo uusan carrabaabin ka socda.

horay ayey qaylo dhaan tanoo kale ahi uga timid dadka ku nool goobaha ku teedsan xuduudka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo ay maciishaddii ku noqotay gabaabsi, sidaas oo kale markii ay hakiyeen dagaalladu isu socodkii ganacsiga oo badi ku tiirsanaa raashinka iyo badeecooyinkii ka imaan jirey magaalada Muqdisho.

Ciidamada Kenya (KDF) ayaa galay koonfurta Soomaaliya bishii Oktoobar si ay ula dagaallamaan ururka Alshabaab, dhulka ay galeen oo ay ka taagnayd dhibaato bani’aadannimo oo ay sababeen abaaro muddo dheer taagnaa, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in weli khatarta macaluusha Soomaaliya tahay mid koraysa ayaa colaadahaan iyo xannibaadaha ku yimid noloshii dadka ku nool gobollada Jubooyinka ay sii kordhinaysaa dadka ay haysato baahida bani’aadannimo ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Khadar/MH/FM

Previous Post

RAADIYAHA

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Maanta

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Dhegeyso Barnaamijka Maanta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo