Dagaallada ka taagan muddooyinkaan dambe deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxay saameyeen nolosha iyo adeegyadii guud ee bulshada ku nool deegaannada galbeed ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaana ka mid ah inay dagaalladu hakad geliyeen dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga iyo shaqooyinkii ay dadku qaban jireen, oo sidoo kale gabi ahaanba istaagay.
Dhulka ay saameynta ugu daran ku yeesheen waxaa ka mid ah dhulka koonfur galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana dadka ku nool deegaannada Jaziiradaha Kudhaa, Buurgaabo, Madhaba iyo Raaskaambooni ay muujinayaan cabashooyin ballaaran taasoo ah in dhinacyada ku dagaallamaya ama isku hor fadhiya deegaannadaasi ay gebi ahaanba sababeen inay istaagaan hawlihii jillaabasho, ganacsi iyo socodkii dadka.
“Xaaladda deegaanka aad ayey halis u tahay, maxaa yeelay ayadoo laga baxay abaartii la soo maray oo la is lahaa dhibaatadii waa laga baxay, ayaa haddana waxaa nala soo darsay dagaallo iyo colaado, dhanka badda iyo barriga waa nalaga fadhiyaa, dhiilada deegaannadaasi ka jirta saameyn ayey dadka ku yeesheen.”,sidaasi waxaa raadiyo Ergo u sheegay Garaad Axmed Cali Isaaq oo ka mid ah odayaasha deegaanka.”
Waxaa sidoo kale hakad galay oo istaagay howlihii jillaabashada kalluunka ee deegaanka, waxaana dadka deegaanku ay arrintaasi ku micneeyeen maraakiibta ilaalada ka haya xeebaha dalka Soomaaliya oo isugu jira kuwo ay leedahay Kenya iyo kuwo waddamo kale oo uusan carrabaabin ka socda.
horay ayey qaylo dhaan tanoo kale ahi uga timid dadka ku nool goobaha ku teedsan xuduudka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo ay maciishaddii ku noqotay gabaabsi, sidaas oo kale markii ay hakiyeen dagaalladu isu socodkii ganacsiga oo badi ku tiirsanaa raashinka iyo badeecooyinkii ka imaan jirey magaalada Muqdisho.
Ciidamada Kenya (KDF) ayaa galay koonfurta Soomaaliya bishii Oktoobar si ay ula dagaallamaan ururka Alshabaab, dhulka ay galeen oo ay ka taagnayd dhibaato bani’aadannimo oo ay sababeen abaaro muddo dheer taagnaa, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in weli khatarta macaluusha Soomaaliya tahay mid koraysa ayaa colaadahaan iyo xannibaadaha ku yimid noloshii dadka ku nool gobollada Jubooyinka ay sii kordhinaysaa dadka ay haysato baahida bani’aadannimo ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Khadar/MH/FM