Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Buurhakaba: Daad qaaday cunto u keydsaneyd 730 qoys

Radio Ergo by Radio Ergo
November 18, 2015
in Masiibooyinka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Qoysas Bakool ka barakacay /keyd/Muxyadiin Xusni/Ergo

Daad ka dhashay roob xooggan oo dhawaanahan ka da’ay tuulooyin hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sababay inay biyo qaadaan bakaartii ay cuntada ugu keydsaneyd 730 qoys oo beeraley ah oo deegaannadaas ku nool.

Bakaartu waa keyd dhulka hoostiisa ah oo ay dadku ku haystaan dalagyada kala duwan ee sanad kasta ka soo go’a beerahooda sida; masagada iyo galleyda. Mararka qaar waxaa dhacda in uu raashinku keydsanaado sanado badan.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cali Xasan Cabdi ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in qoysaska uu ka baaba’ay keydka raashinka ay ku noolaayeen 11 tuulo oo hoos taga Buurkahaba. “Roobabka oo beryahan dambe deegaanka khasaaro ka geystay ayaa biyaha raaciyay bakaarihii ay cuntada ugu keydsaneyd qoysas ku nool 11 tuulo. Wixii keyd ahaa waa ebar,” ayuu yiri guddoomiyaha oo intaa ku daray in tuulooyinka ay ku yaallaan dhul hooseeya oo dhinaca bariga uga beegan Buurhakaba.

“Tuulooyinka uu khasaaraha ugu badan gaaray waa Baari, Caal-Bashiir, Dhaway, Buulo-bacaad, Canbuul, Aw-birka, Caliyow iyo kuwa kale,” ayuu yiri Cali Xasan oo xusay inay sidoo kale jiraan guryo burburay oo aanu maamulku weli tirakoob ku sameyn.

Cabdullaahi Cali Maxamed waa aabbe 64 jir oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 9 qof. Wuxuu tuulada Baari ku lahaa labo bakaar oo ay ugu keydsanaayeen shan fasal (xilli beereed) dallaggii uu beertiisa ka goostay. “Labo bakaar ayay biyaha iga qaadeen, waxaa iigu jirtay 510 jawaan oo masaggo ah,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in sababta uu raashinka u keysanayay muddada dheer ay ahayd in uu iibsado haddii uu fursad fiican helo.

Xaliima Macallin Nuur waa hooyo 32 jir ah oo uu qoyskeedu ka kooban yahay 5 qof, waxay ka mid tahay qoysaska uu raashinkii u keydsanaa daadka ka qaaday. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inuu daadku aad u xoogganaa oo ay xitaa naftooda halis gashay. “Keyd aan nolosheenna ku ilaashaneynay ayay biyaha iga qaadeen, waxaa iigu jirtay qiyaastii 120 jawaan oo masaggo ah.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cali Xasan Cabdi wuxuu sheegay inay qoysaskaas soo wajahday cunto yari oo ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Wuxuu tilmaamay inuu farriin gargaar uu ku dalbanayo uu u diray dowladda federaalka ah, maamulka Koonfur-galbeed iyo hay’adaha samafalka.

Previous Post

Baardheere: Fatahaad shaqo la’aan dhigtay boqollaal haween ah

Next Post

Shuban ka dillaacay Wanlaweyn

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Shuban ka dillaacay Wanlaweyn

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-JAN-2026

IDAACADDA 30-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JAN-2026
January 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-29-JAN-2026
January 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-JAN-2026
January 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JAN-2026
January 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JAN-2026
January 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo