Tuulada Gerijir oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku nolyihii 300 oo qoys ayaa dhawaan NGO lagu magacabao Wardi wuxuu ka hirgeliyey xarun hooyadda iyo dhalaanka lagu xanaaneeyo, deegaankaan oo hadda cudurka shubanku ka jiro.
Cali yare wuxuu kamid yahay madaxda xaruntaan, wuxuuna uga warbixiyay Ergo xaaladda iyo qaabka uu ushaqeyo xaruntaani.
“Xaruntaan waa meel bukaan eegta ah haddana waxa loogu talagay haweenka iyo carruurta, waxaanna lafuray xilli ku haboonayd oo ay dadka degaanku baahi u qabeen adeeg caafimaad, runtiina waxa kafa iideysta ilaa 23 tuulo oo hoos yimaadda deegaankan Gerijir, oo dadka ku nooli keenaan carruurtooda iyo hooyada uurka leh, waxayna helaan dawoyinka lagula tacaalo caabuqyadda neef mareenka, fuuq celinta shubanka, daawada duumada iyo cudurro kale oo yarayar, waxaanna ka howlgala ilaa 5 shaqaale caafimaad, waxaana bixiya musharkooda hay’adda Wardi.
Dr. Xanaan Faarax Karar oo ah haweenayda takhtaradda ka ah xaruntaan ayaa Ergo u sheegtay, “Marka hore xaruntaan waa MCH waa bukan socod eegto, malahan wax jiif ah, marka sidaad dareemeysaan waxaa loogu tala galay in hoyada iyo carruurta lagu xanaaneeyo, balse arrintu saas waa ka duwantahay oo waxaan qaabilnaa dhaman bukaannada aan wax ka qaban karno, madama aysan lahayn goob caafimaad oo kale, tuuladu xaruntaan ayaa samaysa wixii aan wax ka qaban karno, dawadeedana aan hayno.
Takhtaradda ayaa sheegtay in todobaadkii la soo dhaafay ee ugu horaysayba qaabileen 18 carruur ah oo cudurka shubanku soo ritay, wayo deegaankan waxaa ka da’ay roobab aad u xoogan, biyuhuna fadhiyaan jidadka, carruurtana waxay cabayaan biyaha melahaas fadhiya , dadka waxaan siinaa latalin cafimaad wayo xiligaan waa xili robaad in ay biyaha in ay iska daweeyaan oo ay carruurtan ay ka celiyaan bannaanada, ugu danbeyntiina waxay Xanaan baaq u dirtay bulshada Soomaaliyeed eel eh aqoonta caafimaad in wakhtigaan baahida loo qabo takhtar tahay tan keliya ee ka jirta deegaan kasta, loona bahan yahay inay u yimaadaan oo dadkooda caawiyaan.
Maxamuud








