
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeys ayaa laga furay xarun cusub oo loogu tala galay in lagu baaro rakaabakla socda diyaraaha ka imaanaya dalka kale si loo hubi xaaladooda caafimaad ee la xiriirta cudurka adduunka dedaalka ugu jiro in la xakemeeyo ee Ebola.
Wasiirka caafimaadka Soomaalinad Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye ayaa sheegay in hawshan ay iska kaashanayaan qaar ka mi dah shaqaaklasha wasaaradda iyo shaqaalaha garoonka oo loo tababaray habkay u baari lahaayeen cudurka, ayado qalabka ay adeegsanayana ay ugu deeqday wasaaradda oo ka heshay hay’ado k acaawiya dhanka caafimaadka.
Xaglo Toosiye ayaa intaa ku daray in arrinta loo arkay inay muhiim tahay maadamaa garoonka diyaaradah ee Cigaal ay kl asoo degaan diyaarado u shaqeeya qaab caalimi ah kana hawgala Africa.
Maamule ku xigeenka garoonka Nageeye Maxamed Xasan oo la hadlay Raadiyaha Ergo ayaa sheegay in habka baaritaanka noqonayo qofka oo marka hore la eegayo inay qandho hayso iyo in kale haddii ay qanadu tahay mid saraysa meel gaar ah ayaa la gaynayaa kadib ayaa si fiican loo baarayaa haddii qofka wax qandho ah laga waayo waa la fasaxyaa, haddii calamadaha cudurka laga helo waxaa laga qaadayaa tallaabo ku haboon balse waxaan ku dedaalaynaa in dadka qaba cudurakan aysan soo gudbaan.
Nageeye ayaa intaa ku daray in markii hore shaqaalaha garoonka ay siiyeen wacyi galin ku aadan habka cudurka iyo sidii ay isaga ilaalin la haayeen naftooda, qofka kasta oo rakaabka ka mid ah waa la baraayaa oo meesha waxaa jooga dhaqaatiir caafimaad.
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan xuduudaha iyo garoomada deegaannada Soomaaliland la qorshaynayo in laga sameeyo xarumo lagu baarayo cudurka Ebola, shaqaalaha la tababaray ayaa kala socda wasaaradaha caafimaadka, arrimaha gudaha iyo socdaalka.
Cumar Seerbiya/FO










