Ardeyda wax ka barata machadka indhoolayaasha Al-basar ee magaalada Garoowe oo tiradoodu gaarayso 30 ayaa sheegay in ay haysato dhibaato dhanka qalabka ay wax ku bartaan dadka aragga la’ kadib markii qalabkii uu ka hallaabay.
Axmed Cabdirsaaq Axmed waa ardey indhoole ah oo dhigta dugsiga sare ee Al-basar wuxuuna Ergo u sheegay in qalabki ay iticmaali jireen intiisa badan uu hallaabay sidaa darteedna aan laga helin dalka oo markii hore dibadda ayaa laga keenay, waxaan wax ku baranaynay ilaa 2008 oo ahayd xilliga la furay iskuulkan, waxaan isticmaalnaa laba qaab oo ah midka sabuuradda wax lagu qoro iyo mid loogu talagalay in lagu boobsiiyo qoraalka.” Ayuu yiri.
Sacdiyo Khaliif Maxmuud oo ah maamule ku xigeenka machadka Al-basar ayaa Ergo u sheegtay in ardeydan indhoolayaasha ay xilligan haystaan caqabado kala duwan waxaase hadda ugu daran waa qalabka, waxay isticmaalaan qalab u gaar ah indhoolayaasha oo aan laga helin dalka sida sabuuradda iyo qalinka indhoolayaasha, waxaa dhacda in dhawr arday ay wada isticmaalaan hal sabuurad haddii ay jabto ardaydaas waxbarashoodi dib u dhac ayaa ku imaanaya.
Maxamuud Xuseen Ducaale waa macallin indhoole ah wuxuuna keenay fikrad ah in aradeydu ay samaystaan qalimaanta ay wax ku baranayaan, aniga waxaan sameeyaa qalinka waxaan soo qaada musbaar waxaan ku cabiraa qalinka asalka ah ee indhoolayashaa afkiisa kadib waxaan qoraa musbaarka afkiisa anigoo isticmaalaya soofaha sidaa ayaana wax ugu qoranaa waayo farta aan wax ku barano waa midda indhoolayaasha ee baaralka loo yaqaan, waxaaan musbaarka afkiisa ku qoraa waa soofe waayo ma haysto mashiin casri ah oo aan qalin rasmi ah ku samayn karo.” Ayuu yiri.
Maamulaha machadka Al-ustaad Dalmar Guraye oo ah indhoole ayaa ugu baaqay waalidiinta carruurta aragga la’a ku haysta guryaha inay keenaan iskuulka si ay wax u bartaan.
Ardeydan dhigata machadka ayaa isgu jiray carruur iyo dad waaweyn waxayna wax ku bartaan si bilaash ah, ardeyda ka timid meelaha ka baxsan magaalada Garoowe way seexdaan oo cunno ayaa loogu sameeyaan machadka, waxayna si wada jir ah u dalabanayaan maamulka iyo ardeydaba in laga caawiyo qalabka oo aad qaali ah iyo wadanka oo aan laga helayn.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FO








